Tacsi Ka Timid Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo Ee Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar

0
1759

Anigoo ku hadlaaya magaca Reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta Marxuum Cabdillahi Jaamac Samatar oo  ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan si gaar ah u tacsiytadeynayaa reer Jaamac Samatar iyo tafiirtooda, Waxaan Marxuumka Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaaafo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco.

Marxuum Cabdilaahi, waxuu ahaa ganacsade iyo oday ka mid ah duqayda jecel nabadda, wada noolaashaha bulshada, nin caan ku ahaa isku xidhka beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa Gobalka Maroodi Jeex degan. Hoggaamiye bulsho oo hawsha odaynimo u tefaxaydan ayuu ahaa, nin cibaado badan, af gaaban oo shaqo yaqaan, muruq iyo maskax maal aan weligii shaqo ka gaabin ayuu ahaa Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar, Alle ha ka abaal mariyo samafalkii iyo naxariistii uu isu xilsaari jiray.
INNAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here