Tababar Ku Saabsan Tahriibka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
667

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland ayaa maanta tababar u soo xidhay qaybo ka tirsan laamaha ammaanka iyo hay’addaha dawladda qaarkood.

Tababarkaasi oo ka socday magaaladda Hargaysa ayaa  shalay u furay qaybo ka tirsan laamaha ammaanka iyo hay’addaha dawladda qaarkood.

Waxaanu tababarkaasi oo ku saabsanaa Tahriibka iyo socdaalka sharci daradda ah iyo sidii loo heli lahaa sharci xakameeya arrimahaasi.

Tababarkan oo socday laba maalmood waxaa ka soo qayb galay Garyaqaanka guud ee qaranka Xasan Aadan Axmed, Maxkamadaha, Saraakiil ka tirsan ciidanka Badda iyo laanta socdaalka.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay tababarkaasi masuuliyiin ka socday hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR  iyo hay’adda EUCAP oo ah hay’adda tababarkan qabatay.

Mudadii labadda maalmood ahayd ee uu tababarkaasi socday ayaa ka soo qayb galeyaasha lagu siiyay casharo iyo duruus la xidhiidha sidii loo xakamayn lahaa tahriibka sharci daradda ah iyo

Gebagebadii tababarkaasi xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo hoggaaminayay labadii maalmood ee uu socday tababarkani waxa uu halkaa shahaadooyin ku guddoon siiyay xubnihii tababarka la siinayay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here