Taariikh Kooban: Mid Ka Mid Ah Gabdhihii Ugu Horeeyay Ee Ka Hadla Radio Hargeysa oo Geeriyootay

0
1163
Shugri Xariir Ismaaciil
Shugri Xariir Ismaaciil

Hargeisa (Hargeisa Press) — Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland, islamarkaana Hargeysa ku geeriyootay shalay ayaa muddo ku soo jirtay siyaasadda iyo warbaahinta.

Shukri Xariir Ismaaciil waxay ahad mid ka mid ah gabdhihii ugu horeyay ee ka hadla idaacadda Radio Hargeysa, iyadoo daadihin jirtay barnaamijyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayen barnaamijka dalabaadka, Ila Tali Walaal codka haweeenka iyo barnaamji lagaga hadli jiray hiddaha iyo dhaqanka.

Allaha u naxariistee Shukri waxay ku soo biirtay warbaahinta horaantii sanadkii 1978-dii xiligaas oo ay noqatay gabadhii ugu horeysay oo Radio Hargeysa ka qabata barnaamijyo sida ay BBC-da u sheegtay Safiya Cali Yuusuf oo muddo ay soo wada shaqeyeen isla markaana ay ehel dhow yihiin.

Waraysi ay hore u siisay warbaahinta ayay ku sheegtay in mihnada saxaafadda ay jeclayd xiligii ay yarayd ayna dadaal badan kadib u suurta gashay in ay ku biirto Radio Hargeysa, oo ay sheegtay in shaqaalihii xiligaasi ay soo gacan qabteen oo si wanaagsan loogu soo dhaweyay Idaacadda.

Shukri Xariir Ismaaciil oo siyaasadda ka gaadhay wasiir ku xigeen oo ay ka soo noqotay laba wasaaradood oo kala ah wasaaradda Warfaafinta iyo wasaaradda Shaqada ayaa sidoo kale aad loogu yaqaanay arrimaha bulshada gaar ahaanna arrimaha haweenka iyo u doodidda dadka danyarta ah oo ay kaalin muhiim ah ka soo qaadatay.

Sida dadka yaqaannay ay sheegeen Shukri waxey u dhaq-dhaqaaqi jirtay horumarka haweenka haddi ay tahay waxbarashada shaqooyinka iyo xuquuqul insaanka.

Ururka Saxaafadda ee haweenka ee Somaliland laguna magacaabo WIJA ayay ka mid ahayd dadkii aasaasay iyadoo mar walba ku dhiira galin jirtay haweenka in ay wax qabsadaan iyadoo sidoo kale la sheegay in ay ahayd qof dadka xidhiidhisa.

“Waxay u ololeyn jirtay sidii haweenka Somaliland ay uga qayb qaadan lahaayeen talada dalka” ayay tidhi Safiya Cali Yuusuf oo ah saxafiyad ay in muddo ah soo wada shaqeyeen Shukri.

Sidoo kale, Shurki waxaa ay ka soo shaqeysay hay’addo dhowr ah oo ubadnaa kuwa samafalka iyadoo soo gacan qabatay dad kala duwan oo ubaahnaa gacan qabasho kuwaas oo qaarkood ay ka caawisay waxbarasho iyo shaqooyin.

“Waxaa jiray dad badan oo ay soo gacan qabatay ama wax ha barto ama shaqo ha gayso ama wax kale ha siiso dad badan ayay soo gacan qabatay waxeyna ahayd qof dadka aad u xidhiidhiya oo arrimaha bulshada wax badan ka soo qabatay ” ayay tidhi Safiya Cali.

Shukri waxay ahayd hooyo dhashay 13 carruur ah mid ayaana ka dhintay waxaana hadda jooga 12 sida ay noo sheegtay Safiya Cali Yusuuf oo ay qaraabo ahaayen.

Hadda inta ayna dhiman waxay ahayd la taliye dhanka arrimaha warbaahinta ah oo ay ka ahayd wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

LEAVE A REPLY