Suxufi Ka Tirsan Warbaahinta Goobjoog Ayaa Lagu Xidhay Somaliland

0
1221

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay xorriyadiisa u soo celiso Cumar Cali Xasan Seerbiya oo ah suxufi ka tirsan warbaahinta Goobjoog.

Cumar waxa laga qabtay 8 July gegida diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa kadib markii uu ka soo noqday Muqdisho oo ah xarunta warbaahinta uu u shaqeeyo.

Cumar waxa lagu hayaa goob aan la sheegin, qoyskiisuna lama kulmin. Wax maxkamad ah lama keenin islamarkaana wax dembi ah laguma eedayn, dawladuna ma sheegin sababta ay u xidhay.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  lagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.”

Xarunta Xuquuqal insaanku waxay walaac ka qabtaa xadhiga suxufiyiinta Somaliland iyo isticmaalka xeerka ciqaabta ee lagu dabaqayo warbaahinta, dhaqankaas oo ka soo horjeeda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland.

Xaruntu waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xoriyadiisa u soo celiso suxufi Cumar Seerbiya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here