Suxufi Coldoon oo Berito La Horkeenayo Maxkamada Hargeysa

0
1284

Hargeysa (HargeisaPress)- Suxifi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudooyinkii u dambeeyey ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, ayaa maalinta berito oo Sabtida ah la hor keeni doonaa Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex si loo dhagaysto dacwada loo haysto.

Fadhiga sabtida ayaa noqonaya kii uu Coldoon iskaga difaacayey eedaha ay xeer-ilaalinta iyo boolisku ku soo oogeen.

Labadii fadhi ee hore may soo xaadirin dhibanayaashii ay xeer-ilaalintu soo raacisay xaashida eedda marka laga reebo 3 qof oo lagu sheegey in ay yihiin maraga dacawada.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa loo haystaa saddex eedood oo laba ka mid ahi ay ka yimaadeen Dugsiga Abaarso, halka eedaha sadexaadna lagu soo eedeeyey inuu baahiyey hadalo ka dhan ah qaranka Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk 

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY