Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Somaliland Suldaan Abshir Xasan Oo Lagu Caleemasaarey Deegaanka Goray Ee Katirsan Kalabeydh Gobolka Gabiley + SAWIRRO

0
1812

Hargeysa, (HargeisaPress) — Beesha Akisho ee katirsan Beelaha Somaliland ee Dega Gobolka Gabiley ayaa maanta Suldaankii Guud ee Beeshaasi  ay doorteen Lagu caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Kalabeydh Gobolka Gabiley Suldaan Abshir Xasan Cali oo ay ku caana shubeen Salaadiin iyo madaxdhaqameed lagu soo Casuumay Xaflada Caleemasaarkiisa Guud ahaanba Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Somaliland.

Munaasibadan Xafkada Calaeemasaarka Suldaanka Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali si heersare ah loo soo agaasimay oo ashaqraar iyo ilqabatin leh ee lagu caleemasaarayay Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Dhinaca Somaliland Suldaan Abshir Xasan Cali waxaana kasoo qeyb galey Caleemasaarka Xaflada Suldaanka inta ugu badan ee Salaadiinta Somaliland Ugaasyo,Cuqaal,Siyaasiyiin,Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Guurtida iyo Golaha Wakiilada Culumaa,udiin,Haweenka iyo Bulshada Gobolka Gabiley,Madaxda Xisbiyada Qaranka,Masuulyiin iyo Marti Sharaf kale oo tira badan.

Suldaanka lagu Caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Gobolka Gabiley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Dhinaca Somaliland Ururada Bulshada Rayidka ah,

Suldaanka lagu Caleemasaarey Deegaanka Gorey ee katirsan Gobolka Gabiley Suldaanka Guud ee Beesha Akisho Suldaan Abshir Xasan Cali oo ugu horeyn halkaa ka Hadley madasha Caleemsaarkiisa ayaa sheegay in uu Suldaan u yahey Guud ahaanba Beesha Akisho ee Somaliland degta iskamarkaana, uu ugu wada shaqeyn doono Cadaalad iyo Sinaan iyo xeerkii dhaqan lahaan jirey waxaanu Suldaanku ku dheeraadey in aanu isagu shakhsi ahaan xilka dhaqan ee lasaarey u ogolin olole iyo doonasho,iyo awood iyo xiniinyo uu leeyahey balse uu yahey xil loo gartey oo ay beeshu u igmatey una dooratey sidaa daraadeedna aanu dhinaciisa wax uu ka hagran doonaa jirin isagoo u mahad celiyay guud ahaanba Salaadiinta,Ugaasyada,Cuqaasha,Siyaasiyiinta,masuuliyiinta iyo marti sharafta mudan iyo marwaba leh ee kasoo qeyb galey Caleemasaarkiisa soona ajiibey caano shubka iyo martiqaadka Xaflada.

Suldaanka Guud ee Sacad Muuse Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(sabeyse),oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraadey in aan madaxda dhaqanka iyo Salaadiinta guud ahaanba looga baahneyn in ay ku milmaan Siyaasada isagoo kasoo horjeestey hadalada Salaadiin kale oo Suldaanka la caleemasaarey ku booriyay in uu ka ag dhawaado Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada,waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Ugaas Xawaareeye,Ugaas Ibraahim Cabdi Kaahin(Jilba Dhige),  Suldaan Shariif Batuun,Ugaas Maxamed Cabdilaahi(jabane),Ugaas Cabdirisaaq Koosaar,Suldaan Xasan Hobohobo,Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame,

Chief Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo ka Hadley Munaasibada Caleemasaarka ayaa isagu sheegay in ay soo dhaweynayaan Salaadiinta kasoo biirey Sariflayaasha maadaama uu Suldaan Abshir Xasan Cali yahey Suldaankii sadexaad ee Sariflayaasha kaga soo kordhey Madaxdhaqameedka Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here