Boorama (HP): Eheladda suldaan saddex maalmood ka hor lagu xidhay Boorama loona gudbiyay xabsiga Mandheera ayaa cadaalad darro ku tilmaamay xadhigiisa iyo u gudbinta Mandheera.
Suldaan Abshir Maxamed Ducaale, oo ka tirsan madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa ciidamadda boolisku saddex maalmood ka hor ku xidheen saldhiga dhexe ee booliska magaaladda Boorama.
Iyadoo suldaanka shalay loo gudbiyay xabsiga degmadda Mandheera ee gobolka Saaxil, tallaabadaasi oo ay eheladda suldaanku ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan.
Geesta kale taliyaha qaybta booliska ee gobolka Awdal Col. C/raxmaan Colhaye, oo la hadlay VOA ayaa sheegay in sababta loo xidhay suldaankaasi ay tahay arrimo la xidhiidha dhinaca amaanka oo uu khal-khal geliyay nabadgeliyadda.
Taliyaha oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xadhiga suldaanku waxa uu la xidhiidhaa sababo amaan. Amaaku-na waxaa waxa xukuumadu noo ig-matay in aanu wixii amni darro ama khal-khal keenaya wax ka qabano.
Waxaa beryahan jirtay in suldaanka la xidhay iyo ragg kale ay gobolka Awdal ka wadeen hadalo kicin iyo guubaabin shacabka ah”.
Dhinaca kale xubno ka mida eheladda oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorama ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xadhigiisa, isla markaana iyadoon maxkamad la soo taagin loo gudbiyay Mandheera.
Waxaanay eheladda suldaan Abshir xukuumadda Somaliland ka codsadeen in suldaanka xoriyadiisa loo soo celiyo.
Oday Muuse Carab Dugsiiye, oo ka mida eheladda suldaanka la xidhay ayaa ku dooday in ay haboonayd in suldaanka lagu xidho ama lagu maxkamadeeyo gobolka Awdal.
“Suldaanka oo saddex maalmood ka hor lagu xidhay saldhiga dhexe ee booliska Boorama, isagoo aan la marin maxkamad, oo aan lagu cadynin denbi ayaa loo gudbiyay Mandheera” ayuu yidhi Muuse Carab Obsiiye, oo la hadlay idaacadda VOA.
Sidoo kale xildhibaan Axmed Xuseen Badd-maax, oo ka tirsan golaha degaanka degmadda Lughaya oo ay suldaanka la xidhay ehelo yihiin ayaa isna sheegay in ay ka xun yihiin xadhiga suldaan Abshir.
Waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayaanu uga xun-nahay xadhiga suldaanka. Denbiga uu galay suldaanku in maxkamad la soo taago oo lagu cadeeyo ayay ahayd, gobolka Awdal dhexdiisa.
Dhaliilaha ay xukuumadu leedahay ee uu suldaanku ka hadlay, waa in wax laga qabto. Suldaankana xoriyadiisa loo soo celiyo”.
Si kastaba ha ahaate, suldaan Abshir Maxamed Ducaale, ayaa xadhigiisa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho hadal uu todobaadkan warbaahinta Boora siiyay oo uu ku dhaliilay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda macdanta.
Isagoo wasaaradda macdanta ku eedeeayay in ay shirkado shisheeye oo macdan ka qodaya degaamo ka tirsan gobolka Awdal ay ku soo fasaxday.
Waxaanu ku guubaabiyay in ay iska difaacaan shirkadahaasi, isla markaana ay ka hor istaagaan degaamadoodda.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.