Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga

0
1939

Istanbul (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariiste waxaa caawa ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee dalka Turkiga Cabdirisaaq Maxamed Siciid ayaa warbaahinta Hargeisapress u xaqiijiyay Geerida Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Suldaan Ibraahim waxa uu maalmihii dambeeyay ku jiray Cisbitaal ku yaala dalka Turkiga, halkaasi oo caafumaadkiisa lagula tacaalayay.

Waxaana uu Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar alle ha u naxariistee uu ka mid ahaa Salaadiinta Somaliland ugu miisaanka Culus.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu horseed u ahaa Tiirarka Nabadda Somaliland ee ay ku taagan tahay ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jiray inuu dalkani horumar gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here