“Soomaaliya waxay caadaysteen cadaawadda iyo nacaybka ay u hayaan Somaliland”…

0
624

Hargaysa (Hargeisa Press) Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku eedeeyay dawlada Soomaaliya in ay muujiyeen cadaawadda ay u hayaan shacabka reer Somaliland.

Maxamedd Kaahin Axmed, ayaa ugu baaqay madaxda dawladda Soomaaliya in ay waan-toobaan nacaybka cadaawad abuurka ah ee   ay caadayseen ee ay ku hayaan Somalilnd.

Wasiirka oo  la hadlay telefishanka Bulsho, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay  safaaradaha wadamadda jaarka ah ku wargeliyeen in aan fiise (Vise) la siin shacabka reer Somaliland.

Waxaanu yidhi“Somaliland xumaan Soomaaliya kuma jirto,  uma-na rejaynayno. Halka iyagu ku wadaan way iska tagi doontaa,  ee Colaadaha ah ee Nacaybka ah.

Waxaanan  ka warhaynaa in dawladaha aynu jaarka nahay safaaradahooda ay Soomaaliya  ku qaybiyeen waraaqo ay ku leeyhiin dadka reer Somaliland vise masiin kartaan,  ilaa shicibkii Somaliland ayaa la Cadaawaysanayaa.

Dadka reer Somaliland VISE-yaasha way helaan. Dawladahaas aynu jaarka nahay way ka helaan,  dawlaha Yurub way ka helaan.

Cidina dawlad uma taqaano, cidina madhegaysato. Soomaaliya uurkooda waxa jira ayay soo matagayaan. Markaa waxay noqonayaan arrin ay ku cadaawaysanayaan shacabka Somaliland”.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay diyaar u yihiin wadahadal iyo nabad dhex marta, isagoona fariin si gaara ugu diray madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxanu leenahay, oo bulshadda caalamka u cadaynaynaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay wada yeeshaan wadahadal nabedgeliyo. Waana in ay Soomaaliya cadaawad abuurka iyo hagar-daamada ka daayaan Somaliland.

Waxaanan leeyahay Farmaajo,  ma soo celin karo taariikh hore oo bur-burtay ee Soomaaliya iyo  Somaliland.

Soomaaliya,  waxaa  aasaasiga  ka ah dad walaalo ah,  oo sida aduunyadu isku dhex marta isku dhex maraaan,  oo cilaaqaadka aduunka wada leedahay,  wada yeeshaan.

Waxaana u fiicnaan lahayd Soomaaliya inta ay Somaliland ku foogan yihiin Somaliland, in ay ka shaqeeyaan isku socodka bobaladda Soomaaliya”ayuu Maxamed Kaahin.

Dhinaca  kale wasiirku waxa uu fariin u diray maamulka Puntland  oo sheegay in faro-gelin ku hayaan magaaladda Buuhoodle ee ka tirsan gobalka Togdheer.

Waxaanu yidhi“Somaliland waxay aaminsan tahay in nabedgaliyo lagu wada noolaado.

Daan-daansi colaadeed way jiraan. inkastoo iyaga laf tigoodu Puntland ay leeyihiin nabedgalyadii diyaar ayaanu u nahay,  ragg aan nabedgalyada diyaar u ahayni way jiraan.

Kuwa fad-qalaladda wadana waxaa laga soo diraa Xamar. Somaliland waxay gacanta ku haysaa sidii mandaqadaa dagaal uga qarxi la hayn. Laakiin, ragg baa sita Bambo biilaa biin ah, oo qarxaysa, aakhirka iyaga ayay ku qarxi doontaa”.

“Fariinta aan u dirayaa waxa weeye, wax inoo dhaama in aan nabedgeliyo ku wada noolaanaa ma jirto.

Dad colaad inagaga dhinta-na uma baahinin, ee wixii Khilaafaada ee jira waanu ka wada hadli karnaa. Puntland, faro gelinta haka dayso Somaliland, sidaas ayaanu leenahay Puntland”ayuu yidhi wasiirka daakhiliga Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY