Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Culimadii Lagu Dilay Shabeellada Dhexe

0
893

Muqdisho (Hargeisa Press) – Sii haya ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay culumaa’udiin dabley hubeysan ay ku dileen deegaan hoostaga degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Guuleed ayaa qoraal kooban uu soo saaray wuxuu ku sheegay in uu aad uga naxay falkaas dhacay,  Waxa uuna ku tilmaamay arrin walaaceeda leh oo ay geysteen dad aan fahansaneyn micnaha qofka culimada ah uu leeyahay.

“Culimadu waxay kamid tahay dadka biri-mageydada ah, waxayna leeyihiin tix-gelin dheeraad ah ” ayuu Guuleed ku sheegay qoraalkiisa.

Dhinaca kale, wuxuu qeexay in dowladda Soomaaliya ay ka tacsiyeyneyso falkaas dhacay, waxa uuna tilmaamay in dadkii ka dembeeyay la horkeeni doono cadaaladda.

“Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la wadaageysaa guud ahaan ehelada culimada la laayay” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yidhi.

Guud ahaan shacabka Soomaaliya ayaa si guud uga xumaaday dilka loo geystay culimada shanta ah, oo la sheegay iney subac ku jireen xilliga la weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here