Soomaaliya oo Hal Arrin Ku Eedaysey Sweden

0
714

Muqdisho (Hargeisa Press) – Soomaaliya, ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm.

Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkiga ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay ku tidhi “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm, Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.”

Soomaaliya, ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaado ku yahay xurmada iyo qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.

“Waa kaliya dhaqan dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya nacaybka, una adeegaya ajende xagjirinimo iyo argagixisanimo,” ayay tidhi wasaaraddu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wadahadalka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo rabshadaha.

“Waxay [Soomaaliya] dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, iyo in laga fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xurmada iyo caadooyinka Islaamka” ayay tidhi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ugu dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka qaado naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.

LEAVE A REPLY