Soomaaliya oo Dunida Ku Hogaamineysa Diwaanka Musuqa

0
841

Muqdisho (Hargeisa Press)- Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu musuqa badan dunida kaddib markii ay dalalka dunida ku hogaamisay diiwaanka musuqa, sida ay sheegtay ha’yadda Transparency International.

Diiwaankan ayaa ah mid sannadla ah oo ha’yadda ku eegto musuq maasuqa ha’yaddaha ilaa 180 dal.

Sida laga soo xigtay, waxyaabaha musuqa ka qeyb qaatay inay yihiin dagaallada Soomaaliya ka taagan, “Laaluush iyo musuq maasuq baahay oo dhanka siyaasadda ah”

Ha’yadda waxay ku baaqday in dowladda Soomaaliya ay sameyso isla xisaabtan siyaasadeed gaar ahaan hirgelinta tallaabooyinka la dagaalanka musuq maasuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka hor beenisay diiwaanka musuqa ee ha’yaddan isla markaasna ku tilmaantay waxba kama jiraan.

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sannadkii la soo dhaafay ansixiyay sharciga dhismaha guddiyada la dagaallanka musuq maasuqa.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here