Soomaaliya: Madaxweynaha Jubaland Oo Digniin Adag U Diray Dawladda Federaalka

0
485

Kismaayo (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Soomaaliya in ay ku kacday falal lagu hagar-daamaynayo maamulkiisa oo ay cuna-qabatayn iyo dumin ku hayso.

Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe), waxa kaloo uu digniin adag u diray madaxweyneyaasha kale ee  markii isaga dib loo doortay kadib iyagna lagu doortay isla magaaladda Kismaayo.

Madaxweynaha Jubaland oo maanta khudbad  ka jeediyay shir ay yeesheen golihiisa wasiirrada waxa uu hadalkiisa oo aad u kulalaa ku weeraray dawladda federaalka oo uu ku dhaliilay in ay Muqdisho ku xidhay wasiirkiisa amniga.

Waxaanu sheegay in xadhiga wasiirkiisa amniga C/rashiid Janan, oo Muqdisho ku xidhan in lagala hadlay masuuliyiinta federaalka, isla markaana odayaal dhaqameed ka tegay Jubaland uu codsigoodii ku gacan saydhay madaxweyne Farmaajo.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Odayaal dhaqan baa is abaabulay, oo aan beel ahayn, oo aan qabiil ahayn, oo Soomaali ah, oo gobolka Gedo ka tegay. Hadalkii uu madaxweynuhu ku yidhi waxay ahayd, ma aqbalayno Jubaland dhismaheedda.

Amnesty international ayaa haysata buu yidhi. Xagee ayay joogtaa amnesty international ka wax ka qabanaysa dal bur-bursan, miyay wax ka qabato C/raxmaan Cabdi Shukuur, wiilashii la socday ee shalay la laynayay? Amnesty miyay wax ka qabato dadkii Baydhabo lagu laayay”.

Geesta kale Axmed Madoobe, waxa uu ka hadlay dhibaatadda ay bulshadda u gaysatay xayiraadda ay dhawaan dawladda federaalku ku soo rogtay diyaaradaha tegaya magaaladda Kismaayo.

“Diyaaradda Dhoobley ka imanaysa, ee Kismaayo imanaysa, ee sodonka daqiiqo soconaysa, ee sideetanka doolar laga qaadanayo, waxay yidhaahdeen waa in ay Xamar timaado, kadibna Kismaayo timado”ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Tallaabadaasi waxay keentay, haweenaydii umusha ahayd iyo tii foolata iyo qofkii xanuunsan ee lala soo cararayay intuu waayay, in ay maanta jiraan kiisas xeer ilaalintu ay soo gudbin doonto, oo la xidhiidha madaxweyne Farmaajo iyo wasiirradiisu waxay gaysteen.

In ay dadkii ku baaba’een caafimaadkii ay aadi lahaayeen, iyadoo qaarna ay ku dhinteen intii waddadaa dheer ay soo qaadeen, oo loo baahan yahay kuwa xuquuqda aadanaha u dooda iyo maxkamadaha caalamiga ah loo gudbin doono kiisaskaasi, oo aanu dacwadahaas diyaarin doono”.

Axmed Madoobe, waxa uu fariin adag u diray madaxda dawladda federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay in haddii ay wax ka bedeli waayaan hab-dhaqanka ay hadda wadaan in iayaguna ay kaga jawaabi doonaan tallaabo u dhiganta.

“Haddii madaxda federaalku ay iska bedeli waayaan waxa ay maanta ku socdaan, ee dhibaatadda ah. jawaabta, jawaabtan ku xigta ee aanu bixinaa waxay noqonaysaa, mid tan ka bedelan, oo ka adag.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubaland waxa uu digniin u diray madaxweyneyaashii kale ee dhawaan lagu doortay magaaladda Kismaayo, isla markaana amniga Jubaland aanu marnaba gor-gortan geli karin.

Axmed Madoobe, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Jubaland, xaaladeedda amni waa muqadas in la ilaaliyo. Kama jiri karaan madaxweyneyaal, dawlado iyo cid kaloo wax kale sheeganaysaa. Waan bixinaynaa wixii fursad ah ee aanu bixin karayno. Laakiin, qof raba in la qanciyo waan soo dhawaynaynaa”.

Waxaanu intaas raaciyay “Cidii isku dayda miyaa in ay amniga khal-khal geliso, looma dul qaadanayo, wax kastoo amniga Jubaland dhibaato u gaysanaya, wax la qabali karayo ma aha.

Mana qaadan karayno, intii aanu dul qaadan karaynay-na, in xadidan bay ahaanaysaa”ayuu yidhi madaxweynaha Jubaland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY