Soomaaliya: Mac-hadkii Diblomaasiyiinta Oo Sodon Sanadood Kadib Dib Loo Furay

0
580

Muqdisho (HP): Muddo sodon sanadood ah kadib waxaa maanta magaaladda Muqdisho dib looga furay mac-hadkii diblomaasiyiinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Mac-hadkaasi oo la aasaasay sanadkii 1986-kii ayaa ku bur-buray dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka bilaabmay horaantii sagaashamaadkii.
Waxaana mac-hadkaasi ka soo bixi jiray diblomaasiyiiinta ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda ka hor intii aanu bur-burin markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Dhismaha mac-hadkani oo si casriya loo dhisay waxaa maalgelisay dawladda Qadar oo mashaariic kaloo horumarineed ka wadda dalka Soomaaliya.

Wakiilka sanduuqa horumarinta dawladda Qadar Maxamed Axmed Al-Cimaadi, oo ka hadlayay furitaankii saaka ee dhismaha mac-hadka diblomaasiyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay farxad u tahay in ay arkaan mashaariicda ay ka hirgelinayaan Soomaaliya.

Mashaariicdaasi  oo qaarkood ay dhamaadeen, halka kuwo kale-na ay weli socdaan. Waxaanu yidhi “ILLAAHAY mahadii waxaa dhamaystirmay in la bilaabo dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Jawhar, oo dhererkeedu yahay 90 KM iyo jidka isku xidhay Muqdisho iyo Afgooye dhererkeedu dhan yahay 22 KM.

Sidoo kale waxaa hadda socda dayactirka xarunta xukuumadda iyo dhismaha wasaaradda qorshaynta iyo dhismaha dawladda hoose ee Muqdisho. Inkastoo ay jiraan loolano badan oo aan waajahayno dhamaanteen”.

“Hada-na waxaa farxad gelinaya sanduuqa horumarinta ee Qadar in uu kala qayb gallo walaalihiisa Soomaaliyeed furitaanka mashaariicdiisa bilawga ah ee horumrineed, ee uu ugu horeeyo furitaanka mac-hadka diblomaasiyiinta ee maanta.

Kaasoo muhiim u ah soo noolaynta jiilkii diblomaasiyiinta ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo sikaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya”ayuu yidhi wasiirka sanduuqa horumarinta Qadar.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa uu uga dhigan yahay machadkani wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaanu yidhi, “Waxay uga dhigan tahay wax weyn. Waa meel kaloo la gaadhay, horumarka uu dalku ku socdo. Aad ayaanan ugu faraxsan nahay.  Machadkani rejo weyn ayaan ka qabnaa in uu soo saari doono diblomaasiyiin iyo aqoon yahano khibrad, diblomaasiyad iyo baratkool iyo wixii xidhiidh caalami ah. sida wasaaraduhu u shaqeeyaan iyo dawladuhu u shaqeeyaan intaba gacan ka gaysta mustaqbalka fog.

Waxaan rejaynaynaa inuu  noqdo machad Soomaaliyoo dhan anfaca, oo kaadir ama dad aad wax u yaqaana soo saara.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa tilmaamay in ka hor inta aan dib loo furin machadkan ay xidhiidho la sameeyeen machadyadda dawladdo dhawr ah.

Isagoona dawladda Qadar uga mahad celiyay taageeradda ay ka gaysatay dib u furista mac-hadkani. “Machadku wuxuu xidhiidh la sameeyay, mac-hadyo badan oo dhigiisa ah, oo dalal badan ka tirsan. Sida Sweden, Morocco, Masar, Qadar, Itoobiya, Jabuuti  iyo Kenya iyo kuwo kaloo badan.

Waxaan aad ugu mahad naqaynaa dawladda Qadar, dadka Qadar iyo sanduuqa horumarinta ee Qadar oo gacan weyn ka gaystay hirgelinta mac-hadkan maanta la furayo iyo in uu dib u dhisay mac-hadka, oo uu qalabeeyay”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale Mac-hadkani oo hoos taga wasaaradda arrimaha dibadda ayaa la filayaa in uu dhawaan si rasmiya u bilaabo bixinta koorsooyinka diblomaasiyadda.

Sida uu sharaxayo wasiir Axmed Cawad, oo  sheegay in kooxda ugu horaysa ee lagu bilaabayo waxbarashadda mac-hadkaasi lagu soo xuli doono imtixaan, hase yeeshee inta ka horaysa uu sii bixin doono tababaro.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxay mari doonaan imtixaano iyo shuruuc loo dejiyay, mar dhaw ayaanay bilaabmi doonaan.

Inta ka horaysa mac-hadku wuxuu sii bilaabi doonaa in uu tababaro dib u cusboonaysiin ah u sameeyo shaqaalaha, hawl-wadeena iyo diblomaasiyiinta hadda wasaaradda arrimaha dibadda ka shaqeeya iyo wasaarrado kale”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY