Soomaaliya: Dad Badan Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

0
802

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Laba iyo toban qof ayaa ku dhintay, dhawr iyo toban kale-na way ku dhaawacmeen weerarkan is-qarxin ahaa oo maanta lala beegsaday bar-kaantarool oo ku taalla degmadda Boon-dheere ee magaaladda Muqdisho.

Inakstoo aanay dawladda federaalku war rasmiya ka soo saarin qaraxaasi iyo khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay. Balse wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaa qaraxaas canbaareeyay eheladda dadkii ku dhintayna tacsi u diray.

Qaraxaas ayaa loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo laga maqlay jugtiisa xaafado ka fog degmadda uu ka dhacay.

Hase yeeshee, wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhashay khasaare balaadhan oo soo gaadhay saraakiil ciidan,askar, dad shacaba oo goobta ka ag dhawaa iyo masuuliyiin dawladeed oo hore.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah wasiirkii hore qorshaynta Soomalaiya marna soo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda, xilal kala duwana ka soo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Sidoo kale dadka qaraxaas ku dhaawacmay ee goobta taagnaa markii qaraxu dhacay waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shabeel, oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Isagoo xiligaas ku sii socday dhismaha aqalka baarlamaanka oo ay ku yeelanayeen shirkoodii caadiga ahaa ay maanta ku lahaayeen. Waxaana askarta geeriyootay ka mid ahaa askari ka tirsanaa ilaaladiisa.

Col. Faadumo Cali Gaare,  oo dadka badanka badankoodu u yaqaaneen Faay Cali Raage iyo ninkeedii oo la socday ayaa ka mid ahaa dadkii qaraxaas ku geeriyooday.

Sarkaaladaasi ayaa ciidanka ku biirtay kadib markii saygeedii hore oo la odhan jiray Xasan Cadde, aya dileen Al-shabaab, taasoo marxuumadda ku kaliftay in ay ciidanka gasho. Iyadoo dagaalo badan gashay, isla markaana ka soo mid noqotay ilaaladii gaarka ahayd ee madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Markii danbe-na waxay Faay, ahayd sarkaalad hogaamisay dagaallo badan oo Al-shabaab lagaga saaray  Muqdisho iyo magaalooyin ku yaalla goboladda Shabeelooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Geesta kale xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxaasi, waxaanay sheegeen in ay ku dileen masuuliyiin kala duwan, sida uu sheegay Af-hayeenka Al-shabaab Abu Muscab oo shir jaraa’id qabtay sida ay baahiyeen shebekadaha taageera Al-shabaab.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka nabdoonayd qaraxyadda inta lagu jiray bishan Ramadaan, iyadoo qaraxan maanta uu noqonayo kii ugu weynaa ee Muqdisho ka dhaca mudooyinkan danbe.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here