Soomaaliya: 4 Gabdhood oo Kufsi Loo Gaystay iyo Mid Ka Mid Ah oo Geeriyootay

0
1053

Muqdisho (Hargeisa Press)- Afar Gabdhood oo aad u da’ yar ayaa waxaa kufsi fool xun loogu geystay inta u dhaxaysa deegaanada Yaaqbariweyne  iyo Leego ee  gobolka Shabeellada Hoose.

Falkan ayaa waxaa la sheegay in ay geysteen kooxo budhcad ah oo jidgooyo ay u taalay wadada xadhiidhisa deegaanadaas, waxaana la sheegay in gabdhahaas ay kala degeen gaadhi ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Gabdhahan la kufsaday ayaa tiradoodu ahayd afar qof, waxaana la sheegay in markii dambe ay geeriyootay mid kamid ah oo 13-sano jir aheyd.

Seddaxdii kale ayaa haatan lagu dabiibayaa Cisbitaalka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku-xigenka  amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Shabeellada Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf, ayaa sheegay in baadhitaan ku socda arrintaas uu meel gabagabo ah marayo, isla markaana uu maamulkoodu kasoo saari doono warbixin dhameystiran.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ragii geystay falkaas, halka intii kalena ay ku daba jiraan.

Soomaaliya waxaa naalmihii lasoo dhaafay waxaa aad ugu batay kufsiga waxaynay dhacdooyin noocan oo kale ah hore uga dhaceen magaalooyinka Afgooye iyo Janaale oo tacadiyo loogu geystay gabdho aad u da’ yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here