Sool: Wasiir Ku-Xigeenka Gaadiidka Oo Soo Kormeeray Wadooyin Dayactir Lagu Samaynayo

0
646

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland ayaa maanta kormeeray wadooyin ku yaalla gobolka Sool kuwaasoo qaarkood ay wasaaradu hawlo dayactir ah ka waday.

Sahal Maxamed Jaamac, oo maalmahanba safar shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa u jeedadda kormeerka uu jidadkaasi ku soo maray ahayd sidii uu u soo indho indhayn lahaa una soo qiimayn lahaa halka ay marayaan hawlaha lagu dayactirayo wadooyinkaasi.

Wasiir ku xigeenka gaadiidka oo markii uu kormeerkiisa soo dhamaystay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhamaatay dib u dhis lagu waday waddada loo yaqaano Maraaga.

Taasoo ay wada jir u dhisayeen wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda wadooyinka Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Wasiirka Ku-xigeenka Oo Faahfaahin Ka Bixinaya Dib U Dhiska Jidkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here