Sool: Maamulka gobolka iyo Ka Degmadda Oo Kulan La Yeeshay Save Children iyo IOM

0
821

Laascaanood (Hargeisa Press): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka kala socday haayadaha IOM iyo Save the Children.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii wax loogu qaban lahaa qoxoontiga ajaanibka ah ee ku nool gobolka Sool.

Badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan maanta kulan muhiima aan leeyalannay madax ka kala tirsan haya’adda QM u qaabilsan muhaajiriinta ee IOM & haya’adda Save th children.


Kulankan ayaan ku gorfaynnay, arrimaha qaxootiga gobolka Sool ku sugan sidii aan wada jir ugu qorshayn lahayn, wax u qabadkooda ku aaddan arrimaha noloshooda asaasiga u ah”.

“Save children si gaara waaxan isula garanay inay dar dar sii geliso mashaariicda gobolka Sool ee dhinaca waxbarasha, Caafimaadka iyo biyaha.
Si gaara, waxaanu diiradda u saarnay, baahiyaha ahmiyadaha ugu muhiimsan xilligan leh, deg-degna u baahan in looga caawiyo.
Kulankan oo ay igu weheliyeen duqa magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale iyo madaxa haayadda waddaniga ah ee SVO ayaa is af-garad iyo guul noogu soo dhammaaday” ayuu yidhi badhasaabka Sool.


Gebagabdii kulankaasi ayuu badhasaabka Sool ugu baaqay labadda haayadood Save the Children iyo IOM.
Waxaanu yidhi, “Ugu danbayn, labadan haayadood, ayaan ku booriyay inay dar-dar geliyaan mashaariicda kala duwan ee ay gobolka ka wadaan, isla markaana ay xafiisyo ka furtaan gobolka”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here