Sool: Maamulka Gobolka iyo Booliska Oo Fariin U Diray Dadweynaha

0
1148

Laascaanood (HP): Maamulka gobolka Sool, taliyeyaasha qaybta booliska gobolka iyo taliska ciidanka Dab-demiska Laascaanood ayaa ayaa ka hadlay awaamiirtii kasoo baxday Guddida Heer Qaran ee Ka Hortaga Xanuunka COVID-19 ee Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe,  oo uu wehelinayay taliyaha qaybta booliska Sool Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni.

Taliyaha Ciidanka Dab-Damiska iyo Ciidanka Nabad galyada wadooyinka Somaliland oo maanta si wada jira warbaahinta ula hadlay  ayaa faahfaahin ka bixiyay  awaamiirtii ka soo baxday guddida ka hor taga faafintaanka  COVID-19.

Badhasaabka  gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in ciidani ay  ka duwanaan doonto Ciidihii hore oo wax badan laga badeli doonto.

Iyadoo loo baahan yahay in laga bilaabo galinka Dembe ee Jimceha ilaa maalinta Saddexaad ee Ciidul Fidriga la joojin doono Gaadiidka iyo dadweynaha-ba.

Waxaanu yidhi, “Xayiraadda gaadiidku sidan buu noqonayaa malmaha ciida maaha mid saamaynaya Gobolka gudihiisa.

Xayiraada isku socodka gaadiidka la saaray Somaliland waa mid ku eeg isku gudubka goboladda ee maaha mid lajoojinayo gaadiidku in magaalada gudaheeda iyo degmooyinka isla gobolka ay ku sugan yihiin ukala socdaalaan maalmaha Ciidda”.

“Tusaale, Gaadiidka Laascaanood ku sugan waa gaadhi karaan Yagoori, Xuddun, kalabaydh, Bocame Iwm waana ka imaan karaan iyagoo soo galaya Laacaanood.

Waana amarkii gudoomiyaha gudidda heer qaran ee la tacaalida COVID-19 Somaliland ahna madaxweyne xigeenka Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaciil (Saylici)” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Waxaanay masuuliyiintani sheegeen in iyada oo la fulinayo Awaamiirtii ay soo saartay Guddida Heer Qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid -19.

Kuwaasoo fariin ay u direen dadweynaha ku nool gobolka Sool oo ay u sheegeen in laga bilaabo maalinta Jimcaha  aanay jiri doonin  wax Gaadiida oo magaalada ka baxaya iyo wax Gaadiida oo soo gelaya midnaba.

Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Taliyaha qaybta gobolka Sool ee Ciidamada Booliska Somaliland waxaanu sheegay in amniga magaaladda Laascaanood uu fiican yahay oo aan wax dhibaato ah aanay jirin.

Waxaanu dadweynaha usoo jeediyey in laga bilaabo jimcaha 1:00 duhurnimo ay magaaladu Bandow tahay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY