Sool: Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Hawl Gal Ay Boolisku Ku Baacsanayeen Khamri

0
596

Laascaanood (Hargeisa Press): Laba qof ayaa ku geeriyooday hawl gal ay ciidamadda booliska gobolka Sool Sabtidii shalay ka fuliyeen agagaarka tuulladda Kalabaydh ee gobolka Sool.
Hawl galkaasi oo ay ciidamadda boolisku ku baacsanayeen Ragg la sheegay in ay wateen baabuur ay ku sideen Khamri.
Kadib markii uu iska hor imaad dhex maray ciidamadda booliska ee baacsanayay Raggaasi Khamriga soo waaridayay oo isku deyay in ay iska caabiyaan booliska ayaana sababtay geeridda labadda qof oo ka mid ahaa Ragga Khamriga watay.
Iska hor imaad halkaa ku dhex maray booliska iyo Raggaasi ayaanu ka dhashay dhimashadda labadda qof.


Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo xalay khadka telefoonka aanu kula xidhiidhnay.
Isagoo ku sugnaa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaanu yidhi, “Hawl gal ay ciidamadda boolisku Khamri ku baacsanayeen, ayay laba qof ku dhinteen. Maydkoodiina waa la soo qaaday.
Shalay ayay ciidamadda boolisku hawl galkaa fuliyeen.
Meel tuulladda Kalabaydhka agagaarkiisa ah weeye, halka wax ka dhaceen.
Gaadhi Nooho ah ayay wateen, isagoo Khamrigii ka buuxo ayuu gaadhigii yaalaa, oo Laascaanood ayaa la keenay”.
Waxa kaloo uu badhasaabku sheegay in Maydka labadda marxuum oo la geeyay magaaladda Laascaanood in maanta la aasi doono sida qorshuhu yahay.
“Berri arroorta ayaa la aasayaa Maydka labadda nin ee dhintay. Eheladoodii iyo odayaashoodii ayaa la sugayaa, oo Buuhoodle ayaa laga doonay”ayuu yidhi badhasaabja Sool.
Geesta kale C/qani Jiidhe, waxa uu beeniyay wararka sheegaya in labadda qof ee geeriyooday ay ahaayeen dad shacab ah oo ay ciidamadda boolisku iska Toogteen.
“Wax ba kama jiraan wararka sheegaya in ay ahaayeen dad shacab ah, oo boolisku iska laayeen. Iyaga ayaa booliska la dagaalamay” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here