Sool: Isu-duwaha Caafimaadka Oo Kormeer Wacyigelineed Ku Soo Maray Deegaamo Badan

0
950

Laascaanood (HP): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool  ayaa safar qaatay muddo laba maalmood ah oo la xidhiidhay xanuunka Coronavirus ku soo maray deegaamo fara badan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, oo socdaalkiisa bilaabay Sabtidii todobaadkan ayaa deegaamadii kala duwanaa ee uu soo maray waxa uu gaadhsiiyay daawooyin iyo qalabka laga gaashaanto caabuqa Covid-19.

Isu-duwe  Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa sheegay in uu safarkiisii doraad ku soo maray todoba isugu jiray degmooyin iyo tuulooyin dhamaantoodba ka tirsan gobolka Sool.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Kalabaydh, Daba-taag, Saaxdheer, Dharkayn, Xidh-xidh, Dhumay iyo Dhagax-is-guro.

Sidoo kale isu-duwaha iyo kooxda la socotay waxay safarkoodii shalay ku soo mareen deegaamadda Ceegaag, Gol-janno, Yayle, Shululux, Guumays, Yagoori, Samakaab, Adhi-cadeeye iyo Canjiid.

Iyadoo dhamaanba degmooyinkaasi iyo tuulooyinkaasi ay ka qaybiyeen agab caafimaad iyo daawooyinka ka hortaga xanuunka covid19

Dr. Maxamuud Xaaji Khaliil, oo ka warbixinayay safarkaasi waxa uu yidhi,  “Safar qaatay saddex maalmood, oo aniga iyo kooxo wasaaradda caafimaadka ahi igu weheliyaan, aanu ugu baxnay deegaamo fara badan oo gobolka Sool ka tirsan.

Anagoo ocdaalkayagu ku salaynaa wax ka ogaanshiyaha xaaladda guud ee bulshadda iyo caafimaadkoodda, wacyigelinta xanuunka saf-marka ah ee Coronavirus iyo sidii ay dadweynuhu uga digtoonaan lahaayeen, iyo agabka bad-baadda u ah oo aanu u qaybinay”.

“Waxaanu safarkaasi noogu soo dhamaaday si nabad qab ah. Anagoo uga mahad celinayna dhamaanba bulshadii aanu deegaamaamadaa ugu tagnay.

Sida ay ugu diyaaranaayeen qaadashadda wacyigelinta iyo fariimaha caafimaadka ee aanu u gudbinaynay” ayuu yidhi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool.

Geesta kale isu-duwaha caafimaadka ee Sool waxa uu sheegay in isla maanta ay socdaalkoodda ku soo mari doonaan sagaal deegaan oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Beri waxaanu soo mari doonaa deegaamadda Karin-dabayl-weyn, Qabri-bayax, Qorilay, Karin-garfood, Dangudban, Boocame, Fardhidin, Tukaraq, iyo Gambadha”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY