SONYO Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Kal-Fadhigii 36aad Ee Golaha Sare Oo Hargeysa Ku Qabsoomay

0
887

Hargeysa, (HargeisaPress) –Kal-fadhigii 36aad ee Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa shalay lagu soo gabo-gabeeyey Hoolka Shirarka Golaha Sare ee SONYO ku leedahay Xarunta guud ee dalladda ee Caasimadda Hargeysa kaasi oo lagaga hadlay arimo la xidhiidha Dalladda iyo horusocodkeeda, xaaladda guud ee dhalinyaradda iyo Somaliland.

Gabogabada Kal-fadhiga 36aad ee dalladda SONYO waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo ka hadlaya Arrimo ay ka mid yihiin nabadaynta Gobolada bari ee Somaliland, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada dalka, Dhaqdhaqaaqa Haweenka ee ku aaddan sidii ay talada dalka qayb ugu yeelan lahaayeen iyo ugu dambayn sida ay dalladda uga go’an tahay in la iska kaashado kobcinta iyo kor u qaadista adeegyadda Dhalinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland, shacab, dawlad iyo ganacsataba iyada oo Golaha Sare ee dalladdu muujiyey sida ay u taageersan yihiin Barnaamijka shaqo qaran ee xukuumaddu waddo.

Kal-fadhigan oo sida sharciga dalladdu dhigayo Afartii Biloodba mar xubnaha Golaha sare isugu yimaaddaan ayaa noqonaya kii 36aad ee Golaha Sare ee SONYO isugu yimaaddo tan iyo aasaaskii dalladda, waxaana Golahan oo noqonaya kii 8aad uu kal-fadhigan kaga hadlay ajandayaal ay ka mid yihiin dadaallada dalladdu ku hawlan tahay ee la xidhiidha  horumarinta Dhallinyarada Somaliland ee ay dalladdu u adeegto iyo qorshaynta wax-qabadka soo socda waxaana furitaanka shirka markii hore hadallo kooban kasoo jeediyey oo si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed, Guddoomiyaha SONYO iyo Agaasimaha Fulinta Dalladda.

Agaasimaha Fulinta dalladda SONYO

Ugu Horrayn Furitaanka Kal-fadhiga 36aad ee Golaha sare ee SONYO waxa hadallo ka soo jeediyey Agaasimaha Fulinta dalladda SONYO Eng. Cumar Cismaan Miigane waxaanu yidhi: “Sharaf ayay noo tahay in aan mar kale isugu nimaad kulan noocan oo kale ah oo ah kii 36aad ee afartii biloodba mar ay isugu iman jireen xubnaha golaha sare ee dalladdu. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaanu aad ugu mahad celinaynaa wakhtigiisa qaaliga ah ee uu na soo siiyey iyadda oo dalladda SONYO tahay baal ka mid ah baalasha ay ku duusho wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu. Waxa aynu halkan isugu nimid kulankoodii Afar biloodlaha ahaa ee lagu gorfaynayay waxyaabaha Afarta bilood ee hore lasoo qabtay sidoo kalena lagu daraasaynayo ama la dhigayo qorshaha afarta bilood ee soo socda. waxaanu dhammaantayo u taaganahay ka midho dhalinta qorshayaasha dalladda iyo dadaallada lagu horumarinayo guud ahaan dhallinyarada Somaliland” ayuu yidhi Eng. Cumar Cismaan Miigane, Agaasimaha Fulinta dalladda SONYO.

Dhinaca kale waxa furitaankii kal-fadhigan erayo kooban ka soo jeediyey Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax, Guddoomiyaha Dalladda SONYO waxaanu yidhi: “Shirkani sida caadiga ah waa mid lagu eego oo lagu odoraso siyaasadaha dalladda wax lagaga baddalo meelaha siyaasaduhu wax ka soo noqdeen, lagu jaan gooyo wax-qabadka soo socda, lagu xisaabiyo wixii la qabtay intii la kala maqnaa ee afartaa bilood u dhaxaysay laba maalmood ayuu kulankani qaataa sida dastuurka SONYO ku qoran waxa aanu aad u eegi doonaa wixii ay qabatay waaxda fulintu oo u baahan isla xisaabtan, ka daba tag, dhallinyarada barnaamijyadii loogu dhiibay dhallinyarada Somaliland sidii loogu talo galay ma loo fuliyay halkii la higsanayay iyo is baddalkii loo baahnaa ma la gaadhay haddii la gaadhi waayay maxaa loo gaadhi waayay. Waxaan odhan karaa kalfadhigani waa madasha koowaad ee isla xisaabtanku uu ka dhaco maadaama golahani yahay Golaha sare ahna Golaha dalladda ka masuulka ah inta la imanayo shirweynaha guud. Fursaddan aniga oo ka faa’iidaysanaya waxaan uga mahad naqayaa Guddoomiye ku xigeenkii dalladda Maxamed Jaamac oo la magacaabay oo masuul dawladeed noqday. Waxa uu ahaa nin aanu is fahanay waxaan ku ammaani karaa wada shaqaynta, horumarinta danta guud. Maxamed tamarta ku jirtay aadbaan ula yaabi jiray.

Intaa kadib Faldhiga waxa furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Boos Mire Maxamed oo sheegay in dhallinyarada hogaaminaysa dalladda SONYO ay yihiin kuwo qarankani ku faanayo oo mudan in lala garab galo hawsha ay hayaan.

“Waxa aynu ku wada shaqaynaynaa siyaasaddaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu qaranka ku hagayo. Inta aydaan shirka dhammayn ayaynu isku iman doonaa dadaal badan ayaa la innooga baahan yahay sidii uu Madaxweynuhu ballan qaadayna innaguna aynu nahay fuliyayaashii. Waxa loo baahan yahay in aynu isku keeno xooggeena, wixii aynu qabanayna aynu isku xidhno. Annagana waad ogtihiin waxa aanu gaar ahaan ciyaaraha ka soo qabanay waa wax aad u muuqda. Siyaasaddii heer qaran ee dhallinyaraduna waxa ay ku egtahay oo ay dhammaanaysaa 2019”. Ayuu yidhi Wasiirku.

Kal-fadhigan waxa isku casilay Guddoomiye ku xigeenkii dalladda SONYO oo labadii sano ee ugu dambeeyey xilkaasi soo hayay Mudane Maxamed Jaamac kaasi oo xilkaasi u banneeyey maadaama uu ka mid noqday xubnaha Komishanka la dagaalanka Aydhiska ee uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi soo magacaabay.

Markii haddaba labadii maalmood ee shirkaasi socday soo dhammaaday waxa shalay laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 7 qodob oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax waxaanay qodobadaasi u dhignaayeen sidan:

“Waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/12/2018 ku soo geba-gaboobay Xarunta Guud ee Dalladda Dhallinyaradda Heer Qaran ee SONYO Kal-Fadhigii 36aad ee Golaha Sare ee 8aad. Kal-fadhigan oo la qabto afartii bilood hal mar waxa ka soo qayb gala dhamaan Xubnaha Xildhibaanadda Golaha Sare ee Goboladda oo dhan. Kulankan oo soconayay mudo laba cisho ah waxaa lagu qiimayay waxqabadkii waaxda fulinta ee afartii bilood ee hore, sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay wax-qabadka afarta bilood ee soo socda. Sidoo kale waxaa lagu gorfeyay kulankan xaladaha dhaqan-dhaqaale ee dhalinyaradu ku sugan yihiin.  Goluhu iyagoo ka mahad celinaya qaabka qurxoon ee kulanka loo agaasimay iyo habsami u socodka intii kulanku socday waxa ay soo saareen War-Murtiyeedkan:

  1. Goluhu waxaa uu si buuxda u taageerayaa dedaal kasta oo lagu xalinayo colaadda degaanka dhumay ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah, dhalinyaradana ugu baaqaya inay hormuud ka noqdaan deminta colaadda.
  2. Somaliland oo lagu majeerto doorashooyinka dimuqraadiga ah waxaa goluhu aad iyo aad uga xun yahay dib-udhaca ku yimi doorashooyinka Baarlamanka iyo golayaasha degaanka waxaana goluhu ugu baaqayaa cidkasta oo ay khusayso inay ka shaqeeyaan isla markaana masuuliyad dheeraad ah iska saaraan sidii ay doorashooyinka golayaasha baarlamaanka iyo deegaanku dalka uga qabsoomi lahaayeen.
  3. In daneenayaasha kala duwan ee doorashooyinku miiska wada hadaladda ku soo noqdaan shuruud la’aan iyagooo tixgalinya qaranimadda iyo geedisocodka dimuqraadiyadda Somaliland.
  4. In beesha caalamku taageerto nimadaanka doorashooyinka kana qayb qaataan taageeridda iyo isku soo dhaweynta ismaandhaafka daneeyayaasha doorashooyinka.
  5. Goluhu waxaa uu taageero buuxda siinayaa dhaqdhaqaaq kasta oo taageeraya dhiirigelinaya dhalinyaradda korna u qaadaya shaqo-abuurka.
  6. Goluhu waxaa uu taageerayaa dhaq-dhaqaaqyada haweenka JSL ee ka qayb qaadashada talada dalka.
  7. Ugu dambayn Goluhu wuxuu ku baaqayaa kobcinta iyo kor u qaadista adeegyadda Dhalinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland oo la iska kaashado dawlad iyo shiciba gaar ahaana ganacsatadda.

ALLAH MAHAD LEH

Guul iyo Gobinimo

Cabdulcasiis Siciid Saalax

Gudoomiyaha Dallada Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO   

 

 

 

LEAVE A REPLY