SONYO Oo Daah-Furtay Natiijada Cilmi-Baadhis La Xidhiidha Cudurka HIV/AIDS Iyo Dhallinyarada Somaliland + SAWIRRO

0
877

SONYO23HARGEISA, (HargeisaPress) — Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo kaashanaysa Hay’adda ay wada shaqaynta leeyihiin ee OXFAM waxa ay Maanta Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigeen Daah-furka Natiijada Ka Soo baxday Cilmi-baadhis ballaadhan oo la xidhiidha Cudurka HIV/AIDS iyo dhallinyarada Somaliland taasi oo noqonaysa Cilmi-baadhistii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee dalka Laga Hir geliyo.
Daah-furka Natiijada Cilmi-baadhistan ka soo baxday waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin sarsare oo ka socota dawladda, Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ururada Bulshada gaar ahaan dhallinyarada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

“SONYO Waxa Sharaf Weyn U Ah In Ay Gaadho Dhammaan Dhallinyarad Gobolada Somaliland Oo Ay Daraasad Ku Ogaato Heerka Ay Ka Aaminsan Yihiin HIV/AIDS” ….Guddoomiyaha SONYO Mubarik Ismacil Taani

Dalladda Heer Qaran Ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyo Hay’adda caalamiga ah ee OXFAM waxa ay sannadkan iska kaashadeen daraasad nooceedu yahay tii ugu horraysay ee dalka laga hir geliyo, kadib markii ay qorsheeyeen, fuliyeenna cilmi-badhis ballaadhan oo wax lagaga ogaanayay bal heerka uu gaadhsiisan yahay fahamka dhallinyarada reer Somaliland ka haystaan Cudurka HIV/AIDS, aragtida ay ka qabaan, sida ay xal ugu arkaan in looga hor tagi karo, lagu ilaalin karo xuquuqda dadka qaba cudurkan, la dagaalanka takooridda iyo faquuqidda loo gaysto dadka xanuunkan la nool ee muwaadiniinta ah iyo dhammaanba arrimaha la xidhiidha cudurkan halista ah.

Daah-furka Natiijada Ka Soo baxday Cilmi-baadhis ballaadhan oo la xidhiidha Cudurka HIV/AIDS iyo dhallinyarada Somaliland
Daah-furka Natiijada Ka Soo baxday Cilmi-baadhis ballaadhan oo la xidhiidha Cudurka HIV/AIDS iyo dhallinyarada Somaliland

Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ugu horrayn Xafladda Daah-furkan ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay SONYO iyo Oxafam xaqiijiyeen daraasad nooceedii ugu horreeyey ah oo wax weyn ka tari doonta sidii Cudurkan dhallinyarada loogala tacaali lahaa isaga oo hay’adaha ay SONYO wada shaqaynta leeyihiin ku ammaanay doorkii ay ka gaysteen Daraasaddan.
“Maanta oo aan marayno qarnigii 21aad muddo badan ayaa cudurkan adduunyada laga soo hadal hayay, laga soo shaqaynayay sidii dadka looga wacyi gelin lahaa, inta uu ku dhacayna laga daaweyn lahaa. Waxa ilaahay Mahaddii ah in manta dhallinyaradeenu qirsan yihiin jiritaankiisa taasina tahay wax muhiima ah iyada oo haddii umaddu is diidsiiso jiritaanka cudurkan uu si weyn u waxyeelayn karo. Daraasaddani waxa ay wax weyn ka tari doontaa sidii dhallinyarada oo ah cududda Bulshada looga badbaadin lahaa, iyada oo aan dhammaanteen iska kaashanayno” ayuu yidhi Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada oo iyana xafladdan ka hadashay ayaa sheegtay in la gaadhay wakhtigii Daraasadaha la sameeyo loo badalo lahaa Camali iyo wax qabad dhab ah iyada oo SONYO ku ammaanay daraasaddan culus ee qiimaha leh ee ay samaysay ka xukuumad ahaana sheegtay in ay ballan qaadayaan in ay sida ugu habboon uga hawl gali doonaan sidii wada jir cudurkan looga hor tagi lahaa loogana shaqayn lahaa. Prof Cabdi Cali, Guddoomiyaha Komishanka La Dagaalanka iyo Ka Hortagga heer qaran ee SOLNAC ayaa isna xusay in ay barbar taagan yihiin dadaalada SONYO ugu jirto sidii cudurkan looga hawl gali lahaa isaga oo daraasaddan SONYO samaysay ku tilmaamay mid guul ah oo lagu hawl gali doono. Prof Cabdi Cali waxa uu sheegay in natiijada Daraasaddan ka soo baxday ay muujinayso in dhallinyaradu 85% ay kawar qabaan ama qirsan yihiin jiritaanka cudurkan taasina tahay guul aad u ballaadhan oo wax lagu gaadhi karo. Ummad kasta oo qirata cudurkanina tahay ta ka guulaysan karta cudurkan. Waxa kale oo isna Madasha Daah-furka Natiikada Daraasaddan ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Xirfadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Odaya oo ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee cudurkani soo maray tan iyo markii ugu horraysay ee dalkeena laga soo sheegay. Dr. Axmed Xaashi waxa uu ballan qaaday in ay ka Xirfadlayaal caafimaad SONYO iyo SOLNAC kala shaqayn doonaan natiijada daraasaddani sidii ay u noqon lahayd mid wax tar leh.

Guddoomiyaha  SOLNAC Prof Cabdi Cali
Guddoomiyaha SOLNAC Prof Cabdi Cali

Intaa kadib Madasha waxa lagu soo bandhigay natiijadii Daraasaddan oo socotay muddo laba Bilood ah oo lagu gaadhay dhammaan Gobolada Somaliland waxaana si wada jir ah uga hadlay Khadar Xariir oo ah Madaxa Mashruucan iyo CB-ga SONYO iyo waliba Erward iyo Dr. Cabdiraxmaan Geel oo ka socday Hay’adda Oxfam ee SONYO ka caawisay diyaarinta Daraasaddan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here