Somliland: Ururka SOLJA Oo Fariimo Muhiim Ah U Kala Diray, Warbaahinta,Xukuumada Iyo Goleyaasha Qaranka.

0
705
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Hargeysa(HargeisaPress) –Ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja ayaa fariin muhiim u diray guud ahaan hawl wadeenada warbaahinta somaliland, xukuumada, goleyaasha qaranka iyo waxgaradka somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Solja oo soo gaadhay Shabakadda HargeisaPress ayaa u dhignaa sidan:-

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta inay ka qayb qaataan dajinta wararka dhiilada ah iyo xakamaynta faafinta wararka kordhinaya dhibaato kasta oo dalka waxyeelaysa.

Suxufiyiinta iyo Hay’adaha warbaahinta waxaan ugu baaqaynaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyigalanayo bulshada sidii ay Nabada u ilaashan lahaayeen, isla markaana uga hortagi lahaayeen cid kasta oo qayb ka ah colaadaha soo noqnoqda ee goboladda qaarkood ku dhex maraa deegaanada qaarkood.

Ururka SOLJA, wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka iyo waxgaradka kala duwan ee Somaliland inay masuuliyad culus iska saaraan xalinta iyo soo af-jarida khilaafaadka Qabaliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee jira.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha SOLJA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here