Somlilaand: Xaflad loo Sameeyey Buuggaag ay Arrimaha Bulshada ka Qoreen Laba Hablood + SAWIRRO

0
1447

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xaflad ballaadhan oo lagu soo bandhigay laba buug oo ay qoreen laba hablood oo da’yar ah, ayaa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa habeenkii Jimcaha.

Xaflad loo sameeyay bandhigga buuggaagtaas waxa ka qaybgalay marwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Maxamuud Jirde (Amina-weris), wasiirrada Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Madaxtooyada Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan, Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, Maamulaha Shirkadda Xayeysiiska Sagal Jet Mr. Cabdi Yuusuf Aar, qaar ka tirsan hawlwadeennada shirkaddaas Sagal Jet, labada hablood ee buuggaagta qoray Muna Axmed Cumar iyo Nada Yuusuf Cumar iyo dadweyne kale oo lagu martiqaaday.

sagal jat

Madaxa suuq-geynta Shirkadda Sagal Jet Mr. Sacad Cabdi Daahir oo ugu horreyn xafladdaas ka hadlay,  ayaa sheegay inay  shirkad ahaan aad ugu faraxsan yihiin xafladda ay u qabteen bandhigga buuggaagta labada hablood qoreen, mar walbana ku dedaalaan dhiirrigalinta da’yarta wax ka qora arrimaha bulshada iyo danta guud.

Labada hablood ee buuggaagta qoray – Muuna Axmed Cumar iyo Nada Yuusuf Cumar, ayaa iyaguna si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha buuggaagta ay qoreen xambaarsan yihiin, iyagoo sheegay in labada  buug ee Beerta Qoyska iyo Baadi-doon oo ka hadlayaan waxyaabo khuseeya arrimaha bulshada.

Sidoo kale, labada gabdhood ee qorayaasha ah, ayaa u mahad-celiyey shirkadda daabacaadda ee Sagala Jet oo kaalin weyn ka geystay soo bandhigidda buuggaagtooda, iyagoo xusay in shirkaddu door muhiim ah ka qaadato kobcinta akhriska iyo qoraalka da’yarta Somaliland.

Qaar ka mid ah akhristayaasha buuggaagtan soo akhriyey oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in labadan buug yihiin laba buug oo arrimo badan oo muhiim ah ka hadlaaya, waxaanay labada gabdhood ku boorriyeen in ay iyaguna halkaasi ka sii wadaan qorista buuggaagta noocan oo kale ah.

Maamulaha Shirkadda Sagal Jet Mr. Cabdi Yuusuf Aar, ayaa tilmaamay in ujeeddada ay u caawiyeen soo-bandhigidda iyo daabacadda labada buug, isagoo shirkadoodu qaban doonto tartan-buugeed ay qofka buuggiisu kaalinta koowad galo bilaash ugu daabici doonaan.

Hablaha buugaagta soo Badhigay
Hablaha buugaagta soo Bandhigay

“Waxaan aad iyo aad aan u bogaadinayaa labada hablood ee qoray buuggaagta halkan lagu soo bandhigay, waxaanan leeyahay wax fiican ayaad dadkiinna u samayseen ee hambalyo. Waxaan leeyahay ummad kasta waxa ay ku horumartaa dhaqankeeda iyo wixii ay qorteen, mana aha wax baaba’aya. Doorka ay ka lahayd shirkadda Sagal Jet bandhigga labada buug waxay ahayd  markii ay labadan hablood ay noo yimaaddeen ayaannu kala qaybqaadannay qaabka muuqaalka buuggaasi u ekaanyo iyo waliba soo-bandhigidda labada buugba, annaga oo aan wax maal iyo adduun ahna aan ka doonayn.

Waxa kale oo jirta in aannu uga gol leenahay sidii aannu u dhiirrigalin lahayn dhallinyarada… xataa waxaannu hore uga qaybqaadannay buugaag kale oo aad u muhiim ah daabacaaddoodii iyo farsamaynta qaabkii loo dhigaayey muuqaal ahaan, annaguna ka Sagal Jet ahaan mar walba waannu ballanqaadaynaa in aannu barbar istaagno dadka qora buuggaagta.

Arrinka kale ee aan idiin ku bushaaraynayaa waxa weeye in aannu qabanayno tartan dhammaan dhallinyarada ka yar 35-jir, waxaanan u qaban doonnaa tartan ah dhammaanba ciddii qortay buuggaag oo aannu u saari doono guddi kala saara, iyadoo aannu guddi kala saara tartamayaasha samayn doono, halka buugga kaalinta koowaad gala ballanqaadayno in aanu gabi ahaantiisaba bilaash ku daabaci doono,” ayuu yidhi. Mr. Aar.

Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ammaanay labada hablood ee qoray labada buug, waxaannu yidhi; “Innaga oo dhiirrigalinayna hablaheenna qaaliga ee soo bandhigay labadan buug aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaa.

Waxa kaloon aad iyo aad ugu mahadnaqayaa shirkadda Sagal Jet ee ka qaybqaadatay soo bandhiggooda oo markii la ii soo bandhigay labada buug ayaan idhi aniga ayaa qaabilaya hoolka Maansoor, kadibna waxa laygu yidhi iska daa hawlahaas oo dhanba shirkadda Sagal Jet ayaa qaabishee.

Intaa kadib labada buugba waan akhriyey oo waxaan odhan karaa labada buugba aad iyo aad ayey u muhiim u yihiin, wax badanna waa ay ku duugan yihiin oo ah aqoon aad iyo aad u badan, waxaanan leeyahay Ilaahay labadaba ka abaal mariyo,” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyey xafladdaas, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey labada hablood ee buuggaagta qoray, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda.

“Aad iyo aad ayaan idiin ku hambalyeynayaa sida fiican e aad uga gun gaadheen hadafkiinnii iyo himiladiinnii. Insha Allaah, waxaan Ilaahay idiinka rajaynayaa in aad noloshiinna aad meel fiican ka gaadhaan. Bulshadeennu ma bulsho kaslaan (caajis) ah baa? Waxaad mooddaa markay tilmaanta ina siisay inanta qortay buugga Beerta Qoyska oo ay sheegtay in aanay helin meel ka soo xigato oo waxaan leeyahay waxa aynnu nahay mushtamac aad uga gaabinaya inay wax qabsadaan, waxaanan aad iyo aad hablaha ugu bogaadinayaa hawlkarnimda ay la yimaaddeen labada hablood ee buuggaagta qoray,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Ugu dambayn, waxa halkaas ka hadlay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaasoo aad u hambalyeeyey labada hablood ee qoray buuggaagtaas, waxayna shirkadda Sagal Jet uga mahadceliyeen dhiirigelinta ay u sameeyaan da’yarta jecel inay wax qoraan iyo sidoo kale hawsha ay u hayaan qaranka Somaliland.

 

Cumar C/Risaaq Cali — Hargeisa Press News Desk

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here