Somaliland: Xukuumadda iyo Xisbiyadda Ka Heshiiyay Qabashadda Mudaharaadka

0
363

Hargaysa (HP): Xukuumadda tallada haysa iyo xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa is af-garad ka gaadhay qabashadda mudaharaadyo ay codsadeen mucaaradku.

Kadib kulan muhiim ah oo ay maanta yeesheen oo uu gudoomiyey wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha.


Kulankan oo saacado qaatay ayaa lagu falaqeeyey sidii is-afgarad looga gaadhi lahaa Mudaharaadkii ay Wasaaradda Arimaha Gudaha ka soo codsadeen xisbiyada mucaaradka ah, isaga oo kulankan uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ugu yeedhay Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, ayaa soo gudbiyey nidaamka loo qaban karo Mudaharaad ee uu ay ogolyihiin in ay tahay in 6 Gobolka ee waaweyn oo keli ah Xafiisyada ay ku leeyihiin xisbiyada mucaaradku ay ku qabansan karaan Mudaharaad, balse aan loo ogolayn meelaha bulshadu isagu timaado iyo shaaricyada, masuuliyadana ay qaadayaan wixii ka yimaada arrintaa.


Xisbiyada Mucaaradka ayaa muujiyey sida ay u ogolyihiin sharciyada, Ciidamada Booliskana la shaqeeyaan.
Dood dheer ka dib oo dhinac walba laga eegay arrimaha taagan, waxaa la isla gartay in maalinta beri ah saacadu marka ay tahay 9:00 subaxnimo la isugu yimaado  Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, iyada oo wada hadaladu ay halkaa ka sii socon doonaan, iyada oo aanay jirin wax go’aan ah oo la isla qaatay.
Kulankan waxaa xukuumadda uga qayb galay:
1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo kulan shir gudoominayey.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,  Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore.
3- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.
4- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Shaajin.
5- Wasiirka Wasaaradda  Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyada Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi.
6- Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere.

Dhinaca mucaaradka waxaa hogaaminayey Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Axmed Cumar Xamarje iyo masuuliyiin kale oo  ka tirsan labada Xisbiyada Mucaaradka ah.

DAAWO: Xisbiyada iyo xukuumadda oo ka heshiiyay qabsoomida mudaharaadka

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY