Somaliland: Xildhibaano Ka Tirsan Guurtidda Oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
838

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Xoghayaha guud ee golaha Guurtidda  Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa maanta tababar ku saabsan dar-dargelinta hawlaha shaqo ee golaha u soo gabagabeeyey mudaneyaasha golahaas ku soo biiray lixdii sanno ee u dambeeyay.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxaa ka hadlay  wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane,  oo muddo dheer  xoghaye  ka soo ahaa golaha Guurtida Somaliland.

Waxaanu xildhibaannada tababarka qaadanayay u soo jeediyay in ay shaqooyinkooda ku dabaqaan aqoontii ay ka barteen tababarkaasi.

Waxa kaloo halkaas hadallo ka jeediyay xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, oo ka mid ahaa xildhibaannadii tababarkaas qaadanayay, Mahdi Cabdi Cali, oo isna  ka socday hay’adda UNDP oo tababarka maalgalisay iyo Hana Cabdisalaan Maxamed, oo ka mid ahayd macalimiintii tababarka bixinaysay.

Waxaanay sheegeen in tababarkaasi uu ahaa mid xildhibaannadu u baahnaayeen, isla markaana loo baahan yahay in halkaas laga sii wado.

Ugu dambayn Cabidnaasir Aadan Beegsi,  xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland, oo xidhitaanka tababarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkaasi xildhibaanadii ka qayb qaatay ay ku barteen casharo la xidhiidha sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada xildhibaanada ee golaha Guurtida.

Waxaanuu intaas ku daray in xildhibaanada carasho laga siiyay qodobada dastuurka iyo xeerarka kale ee khuseeya shaqada golaha Guurtidda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here