Somaliland: Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo Xabsiga La Dhigay

0
793

Boorama (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xukuumada Somaliland ay maanta xabsiga u taxaabtay Sadex Xildhibaan oo ka tirsan golaha Deegaanka ee magaalada Boorama.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Xadhiga sadexdan Xildhibaan lala xihiidhinayo in ay ka danbeeyeen Jabhad hubaysan oo lagaga dhawaaqay bariga gobolka Awdal.

Xilldhibaanadan ay Xukuumadu xabsiga u taxaabtay ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Maxamed Muxumed Dheerayste oo hore Maayir ku xigeen uga soo noqday magaalada Boorama, Xildhibaan Mustafe Xayte iyo Xildhibaan Indho Sheel.

Xildhibaanadan ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa ku daba jiray laamaha Amaanka ee gobolka Awdal, Waxaana sadexda Xildhibaan ay ku xidhan yihiin Xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…

 

Hargeisa Press.com/Boorama Office.

LEAVE A REPLY