HARGEISA , (HargeisaPress) —Xiddigii hore ee xulkii kubadda cagta Gobollka Waqooyi Galbeed Sacad Maxamed Shire ahna Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, ayaa xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, ka dib xanuun dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay ka haya dhanka Sambabka.
Wariye ka tirsan shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com oo ku booqday cisbitaalka ayaa uu Sacad uga waramay xaaladiisa caafimaad, isaga oo hoosta ka xariiqay in xanuunkiisa uu u jiifo uu ka hayo dhanka Sambabka, ayna ku adag tahay qaadashada Neeftu. “Xanuunku wuxuu iga hayaa dhanka Sambabka, Neefta ayaa igu adag oo Tuunbooyinka sanka igaga jira ayaan neefta ka qaata” ayuu yidhi Sacad Maxamed Shire.
Wuxuu intaasi sii raaciyey in dalka Itoobiya ay ugu dhaw dahay meel xaaladiisa caafimaad wax lagaga qaban karro, dhawaana loo qaadi doono “Waxaan la xidhiidhay dhakhtar ku yaala magaaladda Diri-dhaba, waxaana qorshuhu yahay in halkaas aan tago haddii ALLE idmo”. Sacad ayaa dhanka kale masuuliyiinta iyo dhammaanba shaqaalaha wasaaradda ciyaaraha uga mahad-celiyay sida ay garab taagan yihiin, xaalkiisa caafimaadna uga war-hayaan.
Sacad Maxamed Shire ayaa ka mid ahaa xiddigihii xulkii Waqooyi Galbeed ee sannadkii 1984-kii ku guuleystay koobkii ciyaarihii Gobollada Soomaaliya oo xilligaas ka dhacay Muqdisho. Sacad oo ka ciyaari jiray khadka Difaaca ayaa waxa uu Gobollka Waqooyi Galbeed u saftay 5-jeer tartankii Ciyaarihii Gobollada Soomaaliya.
Sidanu ka soo xiganay Shabakada Wararka Ciyaaraha ee Cadalool.com, Si kastaba ha ahaatee, Sacad Maxamed Shire ayaa tan iyo markii uu ka fadhiistay ciyaaraha waxa uu ku suntan yahay qeyb laxaad lehna uu ka qaatay horumarka ciyaaraha kala duwan ee Somaliland, isaga oo intaasba ka tirsanaa masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.
Ugu dambeyntii, Sacad Maxamed Shire waxa si gaar ah baaq ugu diray xukuumadda Somaliland, bulshadda, bahda Sports-ka iyo ciyaar yahannadii ay wakhtiga soo wada-qaateen, waxaana uu sheegay inay si gaar ah ula socdaan, gacana ka geystaan xaaladdiisa caafimaad.
Haddaba ciddii dooneysa inay xidhiidh la sameyso ama ay gacan ka geysato xaaladda ciyaartoy Sacad Maxamed Shire waxay kala xidhiidhi kartaa +252063-4424619.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com