Somaliland: Xeer-ilaaliyaha Guud oo Shaaciyey in loo soo Gudbiyey Dacwado ka Dhan ah Masuuliyiinta Laba Wasaaradood

0
1030

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay in aannu sharcigu ololayn in la dammiinto qofka u xidhan eedaymo musuqmaasuq + baaq uu u diray Maxkamadaha Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) –Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa shaaciyey in xafiiskooda loo soo gudbiyey eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland, isagoo caddeeyey in Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku dacwaddaas eedaynta ah uu u soo gudbiyey xafiiska Xeer-ilaalinta.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV Maanta, waxa uu faahfaahin ka bixiyey gal-dacwadeedyada hadda horyaal xafiiskooda iyo doorka ay Xeer-ilaalintu ku leedahay labadaas dacwadood ee khuseeya eedaymaha musuqmaasuq ee loo haysto masuuliyiinta Wasaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland.

“Way jiraan dacwado uu noo soo gudbiyey Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku oo uu soo baadhay oo xafiiska yaal, waana laba fayl oo mid waxa uu la xidhiidhaa Wasaaradda Warfaafinta oo lagu dacwaynayo masuuliyiinta Wasaaraddaas, midka kalena waa Wasaaradda Gaashaandhigga, markaa labadaas faylba way yaalaan Xeer-ilaalinta Guud, markaa Xafiisku (Xeer-ilaalintu) isagoo raacaya nidaamka sharci ee dalka u degsan, dastuurka iyo shuruucda dalka, waa lagama maarmaan in marka masuuliyiintaas ama cid kasta oo la dacwaynayaaba oo aan ahaynba masuuliyiin qaran in marka dacwadda la keeno in la lafa-guro, dib loo eego oo dhismaha dacwaddaasi halka ay waafaqsan tahay iyo xeerkii lagu xad-gudbay ama xad-gudubkii jiray iyo wixii caddaymo ah ee loo hayo inay is waafaqsan yihiin, taas ayey Xeer-ilaalintu eegaysaa oo haddii ay baadhis dheeraad ah u baahatanna way ku dartaa oo laba hab-raac (procedures) ayaa yaal Xeer-ilaalinta oo ah inay markaa dib ugu celiso oo ay eedda soo baadho ha ahaato Booliska ama Waaxda Dambi-baadhista ee CID (Criminal Investigation Department) oo ay Boolisku leeyihiin ama ha noqoto sida Hay’adda Hanti-dhawraha oo farsamo ahaan qaabilsan baadhista wixii dhaqaale ah,” ayuu yidhi Md. Xasan Axmed Aadan.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la weydiiyey inay jirto warqad ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland oo ay kaga codsanayaan in xilka laga qaado masuuliyiinta eedayntooda loo soo gudbiyey si dacwad loogu soo oogo, loona horgeeyo Maxkamadda, waxa uu ku jawaabay; “Horta warqaddaas waxa  sameeya xafiiskayaga (xafiiska Xeer-ilaalinta), markaa nidaam sharci ahaan marka uu xafiiskayagu ku qanco faylkaas ama gal-dacwadeedkaas in ay jiraan caddaymo ku filan oo Maxkamad lagu horgayn karo, markaas ayaan anigu go’aankaas qaataa oo aan Madaxweynaha u qoraa.”

Waxa kaloo uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku caddeeyey in aannu sharcigu ogolayn in dammiin lagu sii daayo dadka loo xidhay eedaymo la xidhiidha hanti-lunsi iyo falal musuqmaasuq ah.

“Way jiraan qaar lagu sii daayey dammaanaddaas, laakiin anagu waxa aannu runtii dabbaqaynaa Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (Xeer Lr.30/007,  markaa ma laha wax dammaanad ah, xeerkuna waxa uu dhigayaa in aanay dammaanad lahayn oo in aanay iib lahayn, markaa Maxkamadaha waannu kaga soo horjeednaa oo racfaan ayaannu ka qaadanaa oo Maxkamadda Gobolka, Racfaanka ilaa Maxkamadda Sare ayaannu isla galnaa, mana jirto meel ay ku taal in dammaanad la siiyo, waana arrin marka laga hadlayo ku-dhaqanka iyo isku xukunka sharciga (Rule of Law) ah in aanay garsoorku gacanta sharciga ku fulin sida ay doonaan, waxayna hay’adaha garsoorku awood u leeyihiin inay dabbaqaan sharciga, awoodna waxa ay ku leeyihiin caddaymaha iyo wixii loo keeno oo keliya inay ciqaabtaasi hadba  miisaanka ay leedahay inay ku hoggaamiyaan oo ay ciqaabta ku saleeyaan, laakiinse ma laha xeer yaal (oo dhaqan-gal ah) inay ka sareeyaan, mana laha inay xad-gudub ku sameeyaan xeer qoran oo jira. Iyagu (Maxkamaduhu) waa kuwii xeerka dhawri lahaa ee ilaalin lahaa, Xafiiska Xeer-ilaalintuna waxa uu qaranka masuul uga yahay waa ilaalinta shuruucda dalka iyo dastuurka,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY