Somaliland: Wiil Ku Dhintay Dhaam-Biyood, Carruur Guri Ku Gubtay iyo Booyad Shidaal oo Qaraxday

0
897

Hargeisa (Hargeisa Press) – Allaah ha u naxariistee Wiil yar ayaa ku geeriyooday Dhaam-biyood ku yaalla Koonfurta Magaalada Hargeysa, waxaana Meydkiisa halkaa ka soo saaray Ciidammada Dab-damiska.

Sidoo kale, Carruur Hooyadood Guriga Dusha kaga xidhay oo Gurigii ku gubtay ayaa Ciidammada dab-damisku u gurmadeen isla-markaana soo samato-bixiyeen.

Wararkaa iyo Warar kale oo la xidhiidha Booyad Shidaal oo Rogtay, Shinni Dad cuntay iyo Geerash gubtayba waxa lagu faahfaahiyey War Qoraal ah oo Shabakada Hargeisa Press ka soo gaadhay Ciidammada dab-damiska, kaasi oo isagoo qoraal ah u dhignaa sidan:-

“Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta ka hawlgalay hawlgalo tiro badan oo  ahaa Lix Hawlgal, kuwaas oo ka dhacay Degmooyinka Hargeysa iyo Deg/Wajaale.

Ugu horayn Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa isagoo Dabbaalanaya ku dhintay Balli ku yaalla Koonfurta Magaalada Hargeysa, Ciidanka ayaa Maydka Wiilkaas yar ka soo saaray Balliga iyadoo xubnaha ciidanka Dab-demisku adeegsanayaan xirfada samatabixinta iyo badbaadada. Hawlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay Xubnaha Taliska Dhexe iyo Xarunta M/Haybe.

Hawlgalka labaad ayaa ciidanku kaga hawlgaleen Laba Caruura oo Hooyadood guriga dusha kaga xidhay, kadib guriga dab qabsaday iyadoo Caruurtiina guriga hoosta kaga jiraan, Markii yeedhmadaasi soo gaadhay Qolka Hogaaminta, Ciidanka Dab-demisku si degdega ayay uga hawlgaleen waxaanay caruurtaas ka soo samatabixiyeen guriga.

Sidoo kale, ciidanka ayaa damiyay dab weyn oo ka kacay gurigaas waxaanay ciidanku ku guuleysteen inay dabkaas damiyaan kana xakameeyaan Qolalka inta kale.

Degmada Wajaale ayaa Ciidanka Dab-demiska ee Degmadaasi ka hawlgaleen Booyad Shidaal sidday oo Qallibmantay iyadoo sababtay Gubashada guryo ka agdhwaa goobtaas. Ciidanka ayaa damiyay booyadaas waxaanay ka joojiyeen dabkii inuu ku fido goobtaas waxyeelo intaa ka badana geysto.

Dhanka kale Ciidanka ayaa ka hawlgalay Dab ka dhacay Geerash ku yaalla Degmada Macallin Haaruun ee Hargeysa, dabkaas oo sababay Gubashada Gaadhi noociisu ahaa Vitz, waxaanay Ciidanku damiyeen Dabkaas.

Degmada Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa ayaa iyadana waxaa ka dhacay Shinni guuraysa oo soo weerartay Xaafad ka mida Degmadaas, taas oo waxyeelo soo gaadhsiisay Hooyo guriga joogtay iyo Neef Adhi ah. Ciidanka ayaa shinnidaasna kala kaxeeyay.

Dhinaca kale, waxaa iyadana Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa ciidanku damiyay Dab Qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafadda Cabdi Qalaaf, Dabkan ayaa la damiyay waxaana ka dabkaas ka hawlgalay Ciidanka Xarunta Maxamuud Haybe.

Guud ahaan Ciidanka ayaa maanta ka hawlgalay tirada hawlgaladaas aynu kor ku soo xusnay, waxaana ciidanku markastaba u taaganyahay Badbaadinta Naf iyo Maalka Muwaadiniinta Somaliland, iyadoo Ammin kastaba ciidan weynuhu Heegan ku yahay dhamaan Xarumaha kala duwan ee Ciidanka.

Gabagabadii wuxuu ciidanku wacyigelin u soo jeedinayaa gaar ahaan Hooyooyinka inaanay Caruurta Guryaha dusha kaga sii xidhin markay ka baxayaan, taasi waxay sababi kartaa khatar ah in haddii dab qabsado guriga caruurtu ay ku naf waayi karaan halkaas.

Sidoo kale, iyadoo wakhtigan lagu jiro xilli-roobaadkii Dhaamamka iyo Balliyaduna buuxaan in waalidiintu ay carruurtooda ka ilaaliyaan Balliyada.”

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY