“Somaliland waxay ku taallaa marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga” …

0
377

Hargaysa (HP): Somaliland ayaa lagu sifeeyay Juquraafi ahaan bogcadda ugu istiraatiijisan dunida.
Sidoo kalena ah Is-goys halbowle u ah isu socodka ganacsiga caalamiga, siyaaasadda, tamarta iyo Amniga Adduunka.
Taasina ay tahay muhiimadda sii kordhaysa ee loolanka sii xoogaysanayo ee dunida.
Warbixin lagu daabacay mareegta caalamiga ah ee English.lokmat. ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay goob istaraatiiji ah oo ku talla Is-goyska Galbeedka Aasiya, Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya.
Iyada oo taariikh ahaan goobtan oo u dhow marin-biyoodka Babel-Mandeb, ay tahay mid halbowle ah
Warbixintaasina waxay u qornayd sidan:
“Dekedda Berbera iyo halka ay Somaliland ku taal juquraafi-siyaasadeed oo ah isgoysyada Galbeedka Aasiya, Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya, waxay u badan tahay inay qaadan doonto muhiimadda istiraatijiyadeed ee sii kordhaysa, marka loo eego loollanka sii xoogaysanayo ee adduunka.
Taariikh ahaan, goobta istiraatiijiga ah ee dekedda Berbera ay ku taallo oo u dhow marin-biyoodka Babel-Mandeb, oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah iyo amniga tamarta adduunka, ayaa soo jiidatay quwado shisheeye.
Dhawrkii sanno ee u dambeeyay, Imaaraadku wuxuu saldhig adag ka samaystay Berbera. Dhanka kale Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ayaa wada-gaadhay is-bahaysi lagu horumarinayo aagga dhaqaalaha ee Berbera.
Waxa kale oo bishii June ee sannadkan lagu daah-furay xarun cusub oo konteenarada laga hirgeliyey dekedda magaalada Berbera ee Somaliland. Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka go’ay Soomaaliya, mana jirto dawlad kale oo aqoonsan. Dekadda Berbera waxa ay ku taal xeebta koonfureed ee gacanka cadmeed.
Imaaraatka, horumarinta dekedda Berbera iyo dhismaha iskaashiga istiraatijiyadeed ee Somaliland waxay u adeegaysaa laba ujeedo oo xidhiidh ah:
inay ka hor yimaaddaan hor-u-marintii agabka dekedda Jabuuti ee maraakiibta ku sii jeeday Kanaalka Suweys iyo ballaadhinta saamaynta ay ku leeyihiin Geeska Afrika.
Imaaraadku wuxuu ku sugan yahay Somaliland iyo Yementa Koonfureed, waxaanu ku sugan yahay mawqif juqraafiyeed oo laga masayri karo: wuxuu si dhow ula socon karaa gacanka cadmeed ee istiraatiijiga ah, wuxuuna qaabayn karaa arrimaha istaraatiijiyadeed ee gobolka.

Danaha Hindiya:
Gacanka Cadmeed waa qayb muhiim ah oo ka mid ah deriska badeed ee Hindiya iyo xafiiltan xooggan oo u dhexeeya quwadaha waaweyn, waxay hoosta ka xariiqayaan baahida loo qabo kordhinta joogitaanka istiraatiijiga ah ee Hindiya ee gobolka.
Hindiya ayaa dhawaan safaaradeeda ka furatay dalka Jabuuti, waxaana ay si joogto ah u ballaadhineysaa xidhiidhka ay la leedahay Geeska Afrika.
Si rasmi ah ma jiro wax xidhiidh ah oo dhex maray Hindiya iyo Somaliland. In Somaliland la fadhiisto waxay balaadhin doontaa joogitaanka Hindiya waxayna noqonaysaa mid waxtar u leh la socodka dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee gobolka.
Hindiya waxay u adeegsan kartaa xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka si ay xidhiidh cusub ula samayso Somaliland. Marka la barbar dhigo siyaasadda aan xasilloonayn iyo nabad-gelyo la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo xasilloon oo ammaan ah. Tani waxay sidoo kale u adeegi doontaa ujeeddadeeda ah in isha lagu hayo dhaq-dhaqaaqyada Shiinaha ee gobolka iyo inay noqoto awood ay kula xisaabtanto Gacanka Cadmeed.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY