SOMALILAND WAXA AY U BAAHAN TAHAY SHARCI IYO QORSHE AY KU WAAJAHDO WADAHADALKA SOMALIA!!

0
355
Muhamed Dhimbiil
Somaliland sida taariikhda ku xusan waxa dadkeeda ku badan jibada iyo caadifada , waana sababtii dawladninadii aynu helnay 1960kii aynu jarka uga tuurnay ee ilaa maanta aynu uga bixi laanahay ee ay inoo sudhan yihiin Somalia , waayo wax badan ayeynaan hubsan oo jibadii iyo kalgacaylkii inoo hayey midnimo soomaaliyeed iyo shantii somaali oo la isku keeno ayeynu shuruud la’aan cid aan waxa aynu wadno danaynayn ugu gaynay.
Deg-degaa iyo caadifadaa waxa inaga soo maray dhibaatooyin badan oo dadkii reer Somaliland calanka iyo dawladnimada dhan watay markii ay koonfur ula tageen ee la sameeyey Jamhuriyadii Somalia ayaa aan cidiba u joojin halkii ay ahayd in waxwalba la qaybsado maadaama oo la ahaa laba dawladood oo isku biiray , dhacdooyinkaa dhacayey waxa ay Signal siiyeen somalidii kale oo intii xorowday aanay jeclaysan in ay ku biiraan meel la isku muquuninayo.
Halgano dhaadheer oo gudaha iyo dibadaba lahaa ka dib oo loo waayey kumayaal halyey iyo duunyo waxii la hayeyba u baaba’een waxaa la soo celiyey 18 May 1991 kii dawladnimadii Somaliland ee luntay 1 july 1960 kii waxaana dib loo yagleelay qarankii Jamhuriyada Somaliland ee xornimada ka qaatay boqortooyadii ingiriiska 26 june 1960kii .
Somaliland waxa ay soo martay 28 sanadood oo marxalado kala duduwan ahayd , aakhirkii 31 May 2001 dii ayaa Somaliland looga codeeyey dastuur qaran oo ka kooban 130 qodob u qaybsan 5 qaybood , dastuurkaasi waxa u codeeyey dadweynaha Somaliland waxaana ogolaaday 97% oo ogol ugu codeeyey , dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa qaranka Jamhuriyada Somaliland ka uu yahay , muwaadiniinta uu leeyahay , xuquuqdooda , xuduudaha dalka , goleyaasha qaranka iyo awoodaha masuuliyiinta sare iyo goleyaasha , calanka , caadimada , diinta , shuruucda iwm.
Waxa hadaba Somaliland caqabad ku ah in aanay aqoonsi caalamiya oo dawladnimo wali beesha caalamka ka helin , iyada oo qadiyada Somaliland iyo Somalia ay la mid tahay tii Erateria iyo Ethiopia ay kula kala noqdeen dawladnimadoodii ayaa ilaa maanta aan xal iyo maareyn aduunku u helin in la kala noqdo laba dal oo kala madax banaan oo jaar ah , waxaana aad moodaa in Somali gudaheegana is hagranayso aduunkuna aanu u hagar bixin oo mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin la isku dul xaniban yahay.
Marka aynu haddaba xaga Somaliland u soo noqono wali waxa aad moodaa in jibadii 1960kii ina lumisay in aanay inaga dhamaan sababta oo ah , marka aynu u fiirsano siyaasada arimaha dibada iyo ta lagu wajahayo Somalia waxa ay u baahan tahay qorshe qaran oo aad looga fiirsaday si aan masiirkii umadan marna wadahadal loogu cawarin marna wada hadli mayno oo ay cadaato goorta Somalia lala hadli karaa , goobaha lagula hadli karo iyo waxa laga wada hadlayaaba .
Somaliland waxa inagu ceeb ah in masiirkii umaddani inta labada gole qaran ka shireen la yidhi Somalia ayaa lala hadlayaa , markii wadahadaladii natiijadoodii la arkayna aynu is ogaanay in dal ahaan khiyaamo wayni inagu dhacday oo xukuumadii wadahadalka furtay xataa masuuliyiinteedii qireen in aynu ku qasaarnay wadahadaladii hore oo ay yeelan waayeen wax midho dhal ah , hadana maanta marba la soo hadal qaado wadahadal baa la furayaa iwm ah.
Haddaba hadii ay noqoto in Somalia wadahadal lala furayo waa in Somaliland sharci iyo qorshe qaran oo la isla og tahay lagu waajahaa wadahadalada lala yeelanayo Somalia , shuruudo iyo sharci adagna loo dhigaa oo aan marba kooxda talada timaada ama inta hogaanka haysaa sida ay la noqoto aanay ugu dhaqaaqin waxii ay doonaan ee uu noqdo wax marjac iyo meel loo noqdo iyo dariiqyo cadcad oo la raacayo leh.
Hadii aynaan maanta sharci iyo qorshe siyaasadeed ka sii samaysan waxa ay noqonaysaa in mar kale jibo aynu dalkii waxaasi oo dhib ah loo soo maray ugu gacan galino cidii aynu ku hungownay 1 july 1960kii oo aan maantana wax kale iska daayee waxii xasuuq dhacay ee maati iyo caruuro diyaaradaha lagu duqeeyay aan garawshiiyo looga hayn , waxaana aan soo jeedin lahaa in shuruudahan lagu xudho wadahadalka Somaliland iyo Somalia.
1- In si siman oo labadii dawladood 1960 kii midoobay ah loo wada hadlo.
2- In Somaliland dhamaan xuduudkeeda ay Somalia ka baxdo meelaha kooban ee ay kaga jirto.
3- In Xasuuqii dhacay iyo dadkii dhintay la qiimeeyo oo magdhow laga bixiyo , dadkii gaystayna la geeyo maxkamada dambiyada aduunka.
4- In waxii Jamhuriyadii Somalia wada lahayd si siman loo qaybsado iyo waxii kale ee aduunku tarayo ee hada  la siinayaba.
5- In beeshu caalamku ay Hargeisa iyo Muqdisho si siman ugu xaqsoorto oo aanay u arag dal kaliya oo safiirada Muqdisho fadhiyaa Hargeisa iman ee dawlad waliba safiir u soo magacowdo Somaliland.
6- in waxii kuraasi iyo mansabyo metelaada Jamhuriyadii Somalia ee lawada lahaa ah ee Somaliland iyo Somalia wada lahaayeen la laabo sida kursiga qaramada midoobay amaba laga dhigo laba kursi , hadii kale cid dhex ahi gacanta kusii hayso inta lagu kala baxayo.
7- In shacabka Somaliland laga qaado afti dadwayne  hadii aan la qaadanayn aftidii hore ee 31 may 2001 dastuurka dalka loogu codeeyey.
8- In Somalia aanay dadka reer Somaliland ee xamar u shaqo tagey aanay keeni karin wadahadalada.
9- In Cida dhex-dhexaadinaysaa noqoto cid ka madax banaan siyaasada Somalida dhexdeeda taalla ama dano kale ka leh oo aanay dhicin sidii wadahadaladii hore.
10- In cida labada dhinac uga qayb galaysaa wadahadalka ay noqdaan cid gudaha dalkeeda ka fulin karta waxa la isla qaato ee lagu heshiiyo.
11- in dawlada ay la hadlaysaa noqoto mid meeqaam ahaan iyo maamuus ahaanba taagaan halka ay ta Somaliland taagan taagan tahay , oo ay noqoto mid shacab soo doortay isla markaana dalkeeda iyadu maamusha sida xukuumada Jamhuriyada Somaliland.
Iwm.

Muhamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY