Somaliland: Wasiirro Ka Hadlay Dhacdaddii Shalay Ee Ceel Afweyn

0
581

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa dhacdo aad u fool-xun ku tilmaamay weerarkii isniintii doraad ay koox dabley ahi todobadda qof ku dileen degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaanay wasiirradaasi ugu baaqeen bulshadda degmadda Ceel-Afweyn in ay nabadgeliyadda ilaaliyaan, iyagoona tacsi u diray eheladda iyo qaraabadda dadkii weerarkii doraad ku dhintay.

Wasiirradan oo kala ahaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka  dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed, waxay sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay  maanta si wada jira  ugu qabteen magaaladd Hargaysa.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadii doraad ay ka duwanayd dhacdooyinkii hore uga dhici jiray Ceel-Afweyn, taasoo lagu beegsaday dad aan ka soo jeedin beelaha dirirtu u dhaxayso.

Boos Mire Maxamed, oo ka hadlayay tiradda dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo sida wax u dhaceen waxa uu yidhi “Waxaa dhintay imika marka lagu darro   dhaawacyadii  afar dumar ah iyo saddex ragg ah. Dhacddadan shalay (doraad) dhacday aad ayay uga sii fool xumayd kuwii hore ee dhici jiray.

Dad aanay iyaga iyo reerahoodda toona wax shaqo ah ku lahayn ayaa ku dhintay. Ujeedada laga lahaa-na waxaan  u malaynayaan uun mid xayawaanimo ah,  oo sidii awalba ay wax u dhici jireen uun ay wax u dhaceen.

ILLAAHAY (SWT) samir iyo iimaan haynaga siiyo dadkii dhintay, Samir-na hala qaato.  Xukuumaddu-na way qabanaysaa wixii ay ka qabanayso. Waanay joogtay, waanay adkaanaysaa. Markaa qof intuu Qori soo qaato uu dad baas iskaga furo”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,  ayaa isna bulshada Ceel-Afweyn ugu baaqay inay nabadgeliyadda ilaaliyaan.

Waxaanu tacsi u diray eheladda dadkii dhacdadaas ku geeriyooday, halka uu kuwii ku dhaawacmayna ALLE uga baryay in uu bogsiiyo. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaanba eheladda dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi.

Kuwii  ku dhaawacmayna waxaan ALLE (SWT) uga baryayaa in uu bogsiiyo.  Wixii dhintay-na in ILLAAHAY  jannadii Fardawsa ka waraabiyo. Dhammaanba ehelkii qaraabadii iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa kaloo aan bulshadda reer Ceel-Afweyn ugu baaqaya inay nabadgeliyadda illaaliyaan”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY