Somaliland: Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Biyaha Oo Xilka La Wareegay

0
567

Hargaysa (HP): Wasiirks cusub ee wasaaradda biyaha Somaliland ayaa wasaaradaasi ku tilmaamay mid ka muhiimsan wasaarradaha kale.

Maadaama oo ay qaabilsan sidii ay dhamaanba bulshadda reer Somaliland uga haqab tiri lahayd biyaha oo ah walaxda ugu qaalisan adduunka guudkiisa.

Wasiir Cali Mareexaan, waxa uu sheegay in xil wasiirnimo uu hore uga soo qabtay Somaliland balse wasaaradda biyaha ee hadda wasiirka ka yahay ay aad uga duwan tahay wasaaradii uu hore u soo qabtay xilkeedda.

Cali Mareexaan, waxa uu sidan ka sheegay hadal ka jeediyay munaasibad uu maanta xilka kagala wareegayay wasiirkii hore wasaaradda biyaha.

Geesta kale wasiirka cusub ee wasaaradda biyaha Somaliland waxa uu balan qaaday in intii awoodiisa iyo karaankiisa ah uu ku dedaali doono sidii bulshadda Somaliland ay biyo u wada heli lahaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here