SOMALILAND: Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Oo Xilka La Wareegay Maanta + SAWIRRO

0
1959

Hargeysa (HargeisaPress) —Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xilkii si rasmi ah Maanta ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo xilka kula kala wareegay munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Hoolka xarunta Data Center-ka ee wasaaradda maaliyadda.

Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen wasiiro, xildhibaano, culimo awdiin, aqoonyahan iyo madax kale oo tiro badan ayaa waxay dhamaantood wasiirkii hore ku amaaneen shaqadii ay qaranka u soo qabatay, kuwaas oo wasiirka cusub ee uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay wasaaradaasina u Ilaahay uga baryey inuu xilkaas culus u fududeeyo.

Waxa madashaasi ka hadlay Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirkii hore Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradaasi  Maxamed Daahir Axmed,  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda, wasiir ku xigeenkii iyo wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradaasi, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday mihiimada ay qaranka u leedahay wasaaradda maaliyadu.

Ugu horayn wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibadaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay joogtay, taas oo sidoo kale xustay inaanay wax dayn ah ku wareejin doonin wasiirka cusub, isla markaana u mahadnaqday shaqaalaha cidkasta oo gacan siisay mudadii ay xilkaasi haysay.

Sidoo kale Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Yuusuf Maxamed Cabdi oo isaguna munaasibadaasi soo xidhay ayaa balanqaaday inuu ku dadaali doono horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in mudada uu xilkaas hayo inuu u cadaalad samayn doono shacbiga dalka, kaas oo u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii hore ee wasaaraddaaasi.

Ugu horayn Wasiirkii hore ee Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadlaysa, waxa hadalkeedii ka mid ahaa “Waxaan ku hanbalyaynayaa wasiiradii iga horeeyay ee isbadalay, Maxamed Xaashi waa ninka baray dadku inay cashuurta bixiyaan, waayo dawladii hore ee Udub dhibaato kale kumay dhicin waxa weeyaan cashuurta uun baanay dadku bixinayn, laakiinse isaga wuxuu khasab kaga dhigay cashuurta inay si siman dadka u baray inay u bixiyaan.

Waxa maanta wasaaradda maaliyadu ku faanaysa horta dayn lagu leeyahay ma jirto, dadku waxay iska lahaayeen baryahan oo dhan dayn baa la wareejinayaa, intaan imika dhaqaaqo anigoo wasiirkii maaliyada ah bakhaar intaan tago ma odhan karo laba milyan oo doolar  i amaahiya, dee qofna ima amaahinayo so maaha.?

Daynta la sheego ee wasaarad lagu yeesha ama dawladda lagu yeesha waxa weeyaan tiiyoo mushaharka la bixin kari waayo ama raashinkii ciidamada la bixin kari waayo, horta waanu bixinay oo November mushaharkeedii waa la qaatay.

Waxa kale oo wasaarada maaliyadu awood u yeelatay inay ka qaybgasho diiwaangalintii madaniga ahayd oo iyadana lacagteedii way bixisay, waxa kale oo ay bixisay doorashadii.

Doorashadii inoomay suurto gasheen hadaanay wasaarada maaliyadu guntiga wax ku hayn, markii la yidhi toban milyan ha bixiso dawlada Somaliland hadii kale doorashadiinii dib ayay u dhacaysa hadhowna idinka la idinku caayaya la odhanaya ictiraaf baad sheegtaye xitaa mucaawinada ayaa la idinka goynaya, waxay wasaarada maaliyada iyo dawladu oo madaxweyihii hore u horeeya aanu goosanay inaanu tobanka milyan bixino, waanaynu bixinay oo maanta waa taa aynu sharafta ku leenahay. Miisaaniyada inta badani waa sideedii laakiinse toban milyan oo ka mid ah waxa loo qoondeeyay in mashaariic loogu abuuro dhalinyarada. Waxa uu ku dhawaaqay madaxweynuhu inuu dhalinyarada shaqo abuur u samaynayo, gaadiidkii cusba iyo dhismayaashii cusba iyo wixii lagu kordhiyay haday ceelal biyood tahay.

Wasaarad maaliyadu waxay ka turjuntay iyada wixii ay ku shaqaynaysay ee ahaa, waxaan bixiyay 19 Ambulance, waxaa lacagtii caafimaadka lagama iibine waa wasaarada maaliyada Bajadkeedii. Ceelasha ay wado wasaarada maaliyadu intooda badan waxay ka qoday Bajadkeega, eeg maqal tukaan hadaad hayso qof u hayso sow boqol jeer kuma xisaabinayo habeenkii, bal adigoo ummado dhana maqalkoogii haya, waxa weeyaan if iyo aakhiro-ba way adag tahay. Waxaan leeyahay ha loo duceeyo, iyaguna ha ducaystaan oo ha yidhaahdaan oo ummada ha waydiistaan, maqalkaa naloo dhiibay inuu ilaahay nagu asturo noogu duceeya, ducada dadku ciyaar maaha. Waxaan aniguna ugu ducaynaya inay inamadaasi aanay ku kashifmin oo ilaahay caawiyo oo maqalkaa ummada ay u hayaan ilaahay ku xiltiro oo aanay waxba ku baaqan, waanan soo dhawaynaya.

Wasiirka imika la keenay ilaahay baa u qadaray inuu noqdo laakiinse hadaad cay ku bilowdaan isagoon waxba bilaabin, isagoon shaqaynin halkaad ka taageeri lahaydeen horta waa ceeb, waxaan idiin sheegaya dhalinyarada inaanay waxaa ka cadhoon, yaanay niyad jab kugu ridin, shaqadiina wata” ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

Dhinaca kale Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warbixiyey qorshihiisa iyo talaabooyinka u horeeya ee uu qaadi doono, kaas oo sheegay inuu sinaan iyo cadaalad ku maamuli doono shaqaalaha wasaarada, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan aad iyo aad u amaanaya shaqaale waynaha  wasaaradda maaliyadda qaybaheeda kala duwan, waxaan sidoo kale amaanaya madaxdii wasaarada maaliyadda soo martay ee hormoodka u tahay marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasaarada maaliyadda anigu waxaan ku soo biiray 1996-kii, waxaan ka soo bilaabay shaqadda Karaani, waxaan noqday sarkaal, waxaan noqday madax qaybeed, waxaan noqday xafiiska kastamka inaan ka noqdo office management, waxa aan noqday maamule, maantana waxaan ka ahay wasiir.

Waxa aan shaqaalaha wasaarada maaliyadda ku dhaqi doona cadaalad iyo sinaan, waxa halku dhegeedu yahay saraynta sharciga, nidaamkeenu waxa uu ku dhisnaan doona wada shaqayn, isla xisaabtan iyo daah furnaan, waa la is abaalmarin doona oo abaalmarintu ama hoos bay u ridi ama sare ayey u qaadi qofka”.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com  

LEAVE A REPLY