Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Digniin Ka Soo Saartay Culimo Khilaafkooda Bulshadu Dareentay

0
803

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag u dirtay Culimo baraha bulshada khilaafkooda laga dareemay, isla markaana jawaabo iyo dalabyo isaga gudbiyeen facebook-yada.

Warkooban oo qoraal ah oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo warbaahinta loogu tallo galay ayaa lagu sheegay in hadalo ay maalmahan warbaahinta isu mariyeen qaar ka mida culimadu ay saamayn weyn keentay.

Warkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi).

Kaasoo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO).

Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto.

Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso.

Waajibkiisa-na marinayso” ayaa lagu soo gebagabeeyay  warkaasi qoraalka ee ay soo saartay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY