Somaliland: Warbixin Xambaarsan Xogta Roobabkii ka Da’ay Dalka

0
908

Hargeysa (Hargeisa Press.com):Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa warbixin ka soo saartay roobabkii Gu’ga ee ka da’ay degaamada kala duwan ee dalka sannadkan lagu jiro ee 2019-ka.

Warbixintan oo ka soo baxday Waaxda Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland toddobaadkan oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay.

Waxaa lagu soo bandhigay degaannada roobabka ugu badan ka da’een sannadkan iyo degaan walba xaddiga roobka ah ee uu helay, iyadoo xogtan lagu helay qalabka lagu cabbiro qiyaasta roobka da’ay, qiyaastaas oo loo qaatay cabbirka millimeter-ka (mm).

Waxayna warbixintan oo dhammaystiran u qornayd sidan; “Roobabkii Gu’ga ee sannadka 2019-ka oo ka da’ay guud ahaan dalka oo dhan, laga bilaabo bishii March 2019 oo ay woxogaa roobab qabowsimo ah ka da’een gobollada galbeedka dalka, waxa kaloo roobab aad u fiicani mar labaad ka bilaabmeen badhtamihii bishii April 2019-ka.

Sidoo kale, waxaa da’ay roobabkii ugu badnaa dhammaadkii bisha May ilaa iyo horaantii bishii June ee 2019-ka, kuwaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh, meelaha ay daadadkii waxyeeleeyeen waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Burco, Caynaba, Laascaanood iyo Taleex.

Xogta roobabkii Gu’ga 2019-ka ee laga soo ururiyey xarumaha Saadaasha Hawada ee gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, meelaha ugu roobka badnaa waxaa ka mid ah; Ceel-Afweyn (326mm), Gar-adag (270mm).

Wajaale (247.5mm), Burco (245mm), Laascaanood (220mm), Cammuud (216mm), Cadaadley (208mm), Ceerigaabo (202mm), Oodweyne (187mm), Dhahar (185mm), Dhubato (182.5mm), Dilla

(1 7 9 .5 mm), Allaybaday  (17 8 . 5 m m ) , Caynabo (168.5 mm), Gabiley (163 mm), Boorama (159.5mm), Hargeysa (156mm), Sheekh (154mm) iyo Gacan-Libaax (150mm).

Waxaa kaloo jira deegaano badan oo Gobollada iyo Degmooyinka ah oo ay roobab aad u fiicani ka da’een, waxaana ka mid ah;

Saylac, Laaso-dacawo, Qulujeed, Xudun, Baki, Xaaji Saalax, Malowle, Salaxalay, Gatiitaley, Waraabeeye, Buuhoodle, Badhan, Dararweyne iyo Balli-gubadle,” ayaa lagu yidhi warbixinka ka soo baxday Waaxda Waaxda Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here