“Somaliland Waa U Dhib iyo Rafaad Maalin-kasta oo Muuse Xukunka Sii-haysto”

0
1563

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay Calankii Soomaaliya ee ay Shacabka magaalada Laascaanood shalay ku soo dhaweeyeen Garaadka Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyay Boggiisa Twitter-ka, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu sababteeda leeyahay in shacabka magaalada Laascaanood arrintaasi sameeyaan.

Wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu aaminsan yahay inuu dalka ku maamuli karo qori, islamarkaana uu u malaynayo inaanu cid u baahnayn.

Xoghayaha, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in maalin kasta oo uu Madaxweyne Biixi xukunka sii haysto ay dhib iyo rafaad u tahay Somaliland.

LEAVE A REPLY