SOMALILAND WAA DAL KU DHEX YAALA GOBOL HOY U NOQDAY ARGAGIXISO , MAAMUL XUMO , KALITALIS , ABAARO , AQOON LA’AAN IYO FAQRI , OO HADII AAN ADUUNKU WAX LA QABAN AY INTAASIBA HALIS WEYN KU HAYAAN !!!

0
717
Dalka Jamhuuriyada #Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqaradi ah isla markaana kaalin weyn oo muuqata kaga jira nabadgalyada Geeska Africa oo ah gobol ay daashayay maamul xumo , kalitalis , faqri iyo Argagixiso gabood ka soo dhigatay burburka iyo dawlad la’aanta #Somalia.
Somaliland oo aan cidi ka caawin ayaa waxa ay samaysatay dawlad oo waxa ay seeska ka soo dhistay nidaam maamul iyo kala dambayn iyo dastuur leh , iyada oo ku guulaystay in ay hub ka dhigis ku samayso jabhadihii iyo dadkii shicibka ahaa ee hubku gacanta u galay markii la riday rajiimkii Maxamed Siad .
Somaliland waxa ay samaysay wax badan oo wanaagsan oo aan wadamada Africa intooda badani gaadhin oo ay ka mid tahay nabadgalyada iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee lagu soo doorto madaxda qaranka sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa , xildhibaanada goleyaasha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka oo dhamaantood codka dadka reer somaliland ku yimaada 17 kii sanadood ee ugu dambeeyay.
Haddaba Somaliland maadaama oo ay samaysay wax badan oo wanaagsan oo aan Africa iyo dalal kale oo badan oo aduunka ahi gaadhin ayaa waxa culeys kaga yimaadaa qaybo badan oo dalalka jaarka ah oo aan jeclayn horumarka iyo hore u socodka iyo wadada uu jeexayo qarankan curdinka ah , mararka qaar waxaaba warbaahinta aduunku ula baxday mucjisadii Geeska Africa.
Sidaasi oo ay tahay Somaliland waxa la jaar ah dalka Somalia oo aanay ka jirin dawlad adag oo amniga dalkeeda gacanta ku qabataa , waxaa caawiya oo oo la jooga ciidamo midowga Africa ah ( Amisom ) waxa kale oo jooga ciidamo badan oo dalal badan oo aduunka ah , waxa lagu caawiyaa dhaqaale badan oo la rabay in dawladnimo loogu dhiso oo ay dawlada federaalka ahi ku hanato nabadgalyada dalkeeda , laakiin ayaan daro dhaqaalahaasi waxa loo isticmaalaa siyaasad waxaana lagula dagaalamaa dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamul goboleedyada Somalia.
Arimaha noocan ah aduunku wuu ka gaabsaday iyaga oo u cadaalad sameyn waayey Somaliland iyo Somalia oo hore isugu ahaan jiray dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia , taasina waxa ay gef ku tahay shacabka iyo dawlada Somaliland iyo waxii ay dadkani  iskood u qabsadeen ee ay 28 sanadood soo wadeen ,  hadii sidan ay sii ahaatana oo Somaliland loola badheedho dagaalada kala duwan ee la rabo in lagu dumiyo , waxaa suuragal ah in Nabadgalyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Africa oo dhan ay saameyn ku yeelato oo mandaqadani noqoto hoy argagixiso iyo dawlad la’aani ka jirto.
Waa ay jirtaa in Somaliland gudaheega wax badan oo siyaasiyan qaloocaa in ay jiraan oo u baahan in wadooyinka sharciga ah lagu saxo oo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo nidaamkii dimuqaradiga ahaa oo aan sidii la rabay wali u wada shaqayn , horumar la’aan iyo dhamaan hay’adaha iyo nidaamka dawladnimo oo u baahan dib u habeyn iyo in dhaqaale badan la galiyo ,  hadana waxa aan la dafiri karin in Somaliland meel wanaagsan taagan tahay oo u baahan in la taageero la sii gacan qabto oo Somaliland iyo Somalia sidii ay u hagaagi lahaayeen aduunyadu ka hawlgasho.
Waxa kale oo aduun weynaha iyo wadamada dhaqaalaha Siiya Somalia la gudboon in ay kala saaraan Somaliland iyo Somalia oo aan waxii ay lahayd Jamhuuriyadii Somalia ee la wada lahaa aan cid gaar ahi ku shaqeysan ee laga hawl galo sidii si siman wax loogu qaybin lahaa , isla markaana cilaaqaadka iyo xidhiidhka aduunku la soo sameynayaa uu noqdo mid Dal walba gaarkiisa loola xudhiidhayo.
Somaliland oo la aqoonsadaa waa fursad muhiim ah oo Africa iyo Geeska Africa helay , waxaa qayb muhiim ah ka qaadan doontaa nabadaynta iyo in dawlad caga adag loo dhiso Somalia , waxaa ay qayb muhiim ah ka qaadan doontaa horumarka nabadgalyada Geeska , ta marin biyoodka Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay imikaba iskeed iyada oo aan taageero ka helin aduunka kale u ilaaliso oo uga hawl gasho .
Maadaama ay tahay Somaliland dal ku dhex yaalla Gobolka Geeska Africa oo dhibaatooyinka aan soo sheegnay oo dhami haystaan , maadaama ay tahay dal curdin ah oo wax badani u qabsoomeen wax badana hiigsanaysa mushkiladaahisana ku hareeraysan yihiin , Somaliland waxa ay xaq ugu leedahay aduunka in uu taageero qadiyadeeda oo la garab qabto , maadaama ay 28 sanadood iskeed isku soo waday oo maanta taagan tahay meel wanaagsan.
Arimaha aan ka hadlayo dhamaantood waa qaar laga wada dharagsan yahay jiritaankooga iyo xaaladahooga , waxaana wanaagsan in waxwalba halkiisa lagaga hortago oo aan lagu war helin uun marka wax dhacaan ee lagu baraarugsanaado wadciga markaa taagan iyo waxa iman kara labadaba.
Aragtidii iyo Afkaartii

Mohamed Abdi Jama 

Muhamed Dhimbiil : Facebook 

hormood@hotmail.com 

+252634241005

@dhimbiil : twitter

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here