“Somaliland tiradda wax barataa waa 500,000 oo arday…”

0
452

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa sheegay in ay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay tallaabooyin muuqda ka gaadheen horumarinta iyo tayaynta waxbarashadda dalka.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in saddex qodob ay aasaas ama bud-dhig u yihiin qorsheyaasha horumarinta waxbarashada, kuwaasoo kala ah fidinta waxbarashadda, tayaynta waxbarashada, iyo wanaajinta nidaamka maamulka waxbarashadda dalka.
Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu shalay todobaadkan ka hor jeediyay fadhigii golaha Wakiiladda.
Wasiir Toorno, oo ka warbixinayay qorsheyaasha wasaaradda ee tayaynta, horumarinta iyo fidinta waxbarashadda.

Waxa kaloo uu wasiirku faahfaahin ka bixiyay guud ahaanba tiradda ardayda waxbarata ee dalkoo dhan iyo sidoo kale tiradda dugsiyadda ama goobaha waxbarashadda.
Sidoo kale wasiirka waxabarashadu waxa uu ka hadlay tiradda dugsiyadda ay wasaaradu dhistay labadii sanadood ee u danbeeyay.
Geesta kale wasiir Toorno, waxa uu sheegay in ay wax badan ka qabteen waxbarashadda ardayda ee dadka xoolo dhaqatadda reer guuraaga ah, taasoo qaabab iyo nidaamyo casri ah loo dejiyay, iyadoona la suurto geliyay nidaam ardaydu ay waxbarashada ku sii wadan karaan xataa marka ay reeruhu ka guuraan meelaha ay dugsiyadu ku yaalaan, si aanay waxbarashadu uga kala gu’in ardayda.
Wasiir Toorno, ayaa intaas raaciyay in sidoo kale ay wasaaradu samayso wacyigelin joogto ah si waalidiinta looga dhaadhiciyo muhiimadda waxbarashadu ay leedahay. Isagoona xusay in sidoo kale dhawrkii sanadood ee u danbeeyay in ay wasaaradu waxbarashada ku fidisay dadka waaweyn ee markii ay yar yaraayeen aan helin fursad waxbarasho.

Dhinaca kale wasiirka waxbarashadu waxa uu ka warbixiyay waxyaabaha uga hirgakay dhinaca tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarashadda dalka.
Tallaabooyinkaasi oo ay ka mid tahay tababarka macalimiinta, iyo dib u eegis lagu sameeyay Manhajka waxbarashadda dalka, iyadoona la kordhiyay tiradda xiisadaha ay ardaydu dhigtaan.
Wasiirka waxabarashu waxa kaloo uu tilmaamay in dhinaca habaynta iyo hagaajinta maamulka ay wax badan ka qabteen, isla markaana wax laga bedelay lana casriyeeyay nidaamka maamulka dugsiyadda iyo goobaha kale ee waxbarashadda, taasoo sababtay in xog badan laga helo ardayga.
Wasiir Axmed Toorno, wax kaloo uu sheegay in ay dib u eegis ku sameeyeen xeerarka iyo siyaasadda waxbarashadda dalka, taasoo ku qotonta saddexda himilo ama qorshe ee hal-beegyadda wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY