Somaliland: Tirada Qoxootiga Diwaangashan oo La Hubinayo

0
843

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daaf-furay shirka dib u hubinta tirada qaxoontiga ka diiwaan gashan Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay tiro koobka qaxoontiga ku sugan waddanka isagoo ku ammaanay Hayadda Qaxoontioga iyo Barakacayaasha qaranka shaqada culus ee ay bilowday.

Madaxweyne ku xigeenka oo furay Xafladaasi ayaa yidhi “Salaan ka dib waxaa runtii maanta sharaf iyo farxad weyn noo ah in nidaam lagu diiwaan gelinayo dadka magan galyo doonka ah ee qaxoontiga Somaliland inala jooga oo lagu ogaanayo tiradooda rasmiga ah inay tahay arin aad iyo aad u muhiima”.

Wuxuu sheegay inaan maanta qaxoontiga ku sugan Somaliland aanay dareemin wax faquuq ah islamarkaana ay nabad gelyo ugu nool yihiin waddanka.

“Waxay taasi muujinaysaa inaynu innaguna Caalamka shuruucdiisa aynu dhawrno waana ta keentay in laynoo yimaado iyadoo aan maanta adduunyadu ina ictiraafsanayn ay maanta dadku magan gelyo inoo soo doontaan oo inay nabad ku noolaadaan inoo soo raadsadaan oo ay inagu dhex nool yihiin oo aanay faquuq ka dareemin waddanka Somaliland maanta”

Dhanka kale, Waxa uu Madaxweyne kuxigeenku laamaha kala duwan ee Dawladda ku booriyey inay diiwaan gelintaa kala shaqeeyaan Hayadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

“Waxaan leeyahay laamaha kala duwan ee Dawladdu inay Hayadda kalashaqeeyaan muddada diiwaan gelintu socoto sidii dadkaa loo diiwaan gelin lahaa oo xogtooda rasmiga ah aan u wada heli lahayn”.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY