Somaliland: Shirkadda AL-NUUR oo Dharkii Ciidda u soo iibisay 429-Ilmood oo Agoomo ah + SAWIRRO

0
1091

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa,(HargeisaPress) — Shirkadda Al Nuur Furniture, ayaa maanta ugu deeqday caruurta agoomaha ku jira xarunta magaaladda Hargeysa dharkii ay ku ciiddi lahaayeen, kaas oo iskugu jira labis dhamaystiran oo iskugu jira Garankii, Nikiskii, kabihii iyo dharkii.

Shirkadan ayaa sheegtay inay u soo iibiyaan labis dhamaystiran oo dhan 480 kol xirad, kuwaas oo caruurtii ka farxiyey.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wakiilka shirkadda Al-Nuur ee soo dajisa qalabka guryaha iyo Xafiisyada Maxamuud Yuusuf Cilmi ayaa sheegay inay sanad walba ugu deeqaan caruurta dharka Ciidda agoomaha ku jira xaruntan.

Guddoomiyaha xarunta Agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa shirkadan iyo mulkiilaha leh ee Cabdiramxaan Nuur uga mahad naqday deeqdan dharka ah ee sanad walba ugu deeqaan.

“Shirkadani sanad walba iyada u soo iibisa caruurtan dharkii ay ku ciidi lahaaayeen, caruurtani malaha aabo iyo ehel ee waa caruurta lagu tuuro banaanka, waxaana ehel iyo waalid u noqday shirkadan A-Nuur, iyada bishii Ramadaan afurka u samayn jiray”ayey tidhi Marwo Caash Maxamuud Qaalib.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay inay caruurta ku jirta ay yihiin 429 caruur ah, haseyeeshee shirkaddu ugu soo dartay dhar dheeraad ah, maadaama oo caruurta kala cabir weyn yihiin.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here