Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Sagaal Qof oo U Dhashay Imaaraadka Carabta

0
1047

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigtay Sagaal nin oo u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta.

Raggan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, xilli ay doonayeen iney dib ugu noqdaan wadankooda.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha loo xidhay raggan ay yihiin in la ogaaday in muddadii ay Somaliland ku sugnaayeen ay sameynayeen ugaadhsi sharci darro ah.

Naasir Xuseen, agaasimaha duur-joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in raggan sharciga la marsiin doono.

Wuxuu tilmaamay in ay ku sugnaayeen maalmihii ugu dambeeyey deegaanka Sabo Wanaag ee gobolka Maroodi-jeex, iyaga oo iska dhigayey iney mashaariic ka fulinayaan halkaasi, balse dadka deegaanka ay soo xaqiijiyeen iney wadeen hawlo ku aaddan ugaadhsi.

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here