Somaliland Oo Tallaabo Gef ah Ku Tilmaantay Guddiga Uu Magacaabay Farmaajo

0
779

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku gacan saydhay guddigii uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya oo shaqadoodu tahay guddiga qaabilsan wadahadaladda iyo dib-u-heshiisiinta oo ka kooban lix xubnood.

Hase yeeshee Somaliland ayaa wax aan suurto gal ahayn ku tilmaantay guddigan uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo  ka kooban lixda xubnood oo ay ku jiraan laba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ay maamulka Farmaajo  uu duulimaad ku tahay jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland.

waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in Somaliland ay  magacaabidda guddidaas uu ka muuqdo gef siyaasi ah.

 

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED: 18/07/2019

Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho.

Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheen-na Somaliland.

Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan. Tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku soo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo mid Diblomaasiyadeed.

Iyagoo meel kastoo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad.

Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadawtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga gar-naqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay, balse maamulka cadawga ah ee Farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee gar-naqsi laba dal ayaa noo dhexeeya.

Caqliga saliimka ahi na wuxuu dhigayaa in aan cadawga loo caban ee la iska celiyo.

  1. Qodobkiisa labaad na waxa uu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii,  waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamku na aqoonsan yahay, isla markaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed.

Balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maanta-na aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here