Somaliland oo U Mahad-celisay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxda Midowga Afrika

0
1781

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa u mahadnaqday Raysal Wasaaraha dawladda Ethiopia iyo Madaxda Midawga Afrika oo madaxweynaha Somaliland kulamo rasmi ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay  Ethiopia Raysal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxda dalalka Afrika ee ka soo qaygalay shirkii Midawga Afrika.

Waxaana sidaasi lagu sheegay War-saxaafadeed Ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Waxaana uu u  dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ee ka soo qaybgalay kalfadhigii 33aad ee ururka midawga Afrika.

Waxa kale oo ay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ku kulmeen xafiiska Raysal Wasaaraha Jamhuuriyada dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqaysaa dawladda jamhuuriyada dimuqraadiga federaalka Itoobiya gaar ahaana Raysal Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed sidii milgaha iyo sharafta badnayd ee loogu soo dhaweeyey weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudadii uu ku sugnaa dalka Itoobiya.

Waxa kale oo ay dawladda Somaliland si mug leh ugu mahadnaqaysaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika ee ay kulmada ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland magaalada Addis Ababa ee xarunta Midawga Afrika.”

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here