Somaliland oo Soomaaliya U Mustaafurisay Lamaane Is Qaba oo Diinta Kiristaanka Faafinayay

0
1282

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay lammaane is qaba, oo lagu eedeeyay inay dalka ku faafinayeen diinta Kiristaanka.

Lammaanahan oo ay ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen 21 September, ka dib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dhukumentiyo kale oo diinta Kiristaanka ah.

Lamaanahan ayaa waxaa dhowr goor la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaana aakhirkii la go’aamiyay in loo mustaafuriyo magaalada Muqdisho ee Soomaaliya oo uu ninku ka soo jeeday.

Sidoo kalena, Haweenayda ayaa waxaa iyadana la sheegay inay u dhalatay Somaliland.

Wakiilo ka socday dawladaha reer Yurub ayaa la sheegay inay dowladda Somaliland ka dalbadeen in la sii daayo lammaanahaas, laakiin waxa la sheegay in dowladu diiday, aakhirkiina ay go’aamisay in dalka laga mustaafuriyo.

LEAVE A REPLY