Somaliland oo Soo Bandhigtay Ciidamo Ka Soo Goostay Puntland

0
2274

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay gobolka Sanaag ku soo bandhigtay ciidamo ka soo goostay Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Ciidamadan oo ka soo jeeda deegaanka Badhan iyo deegaanada kale ee bariga gobolka Sanaag, ayaa waxaa ay ku hubaysanaayeen qoryaha culus iyo kuwa fudud.

Ciidamadan ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee ku soo biiray Somaliland oo iskugu jira saraakiil kala duwan, ayaa tiradoodu waxaa ay dhan tahay 35 Askari.

Ciidankan, ayaa waxaa ay hore uga tirsanaayeen ciidanka difaaca ee maamul goboleedka Puntland, waxaana ay xukuumada Somaliland ka codsadeen in ay helaan xaq lamid ah ka ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Sanaag.

Saraakiil ka tirsan Ciidankan, ayaa sheegay inay tababar ku soo qaateen xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ayna ugu dambayn go’aansadeen inay ku biiraan Somaliland.

Waxa ay sheegeen inay jiraan ciidamo kale oo ku soo dabajira islamarkaana maalmaha soo socda ku soo biiri doona Somaliland iyagoona farriin u diray dhammaan ciidanka Puntland ee ku sugan magaalada Badhan iyo guud ahaan gobolka Sanaag.

Saraakiil ka tirsan Somaliland oo goobta ka hadlay, ayaa dhankooda soo dhoweeyey ciidankani waxaana ay sheegeen inay sida ugu dhakhsaha badan gacanta Somaliland ugu soo celin doonaan magaalada Badhan iyo deegaamada kale.

LEAVE A REPLY