Somaliland oo Soo Afjartay Jabhad Dhowaan Lagaga Dhowaaqay Gobolka Sanaag (Sawirro)

0
2832

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay Buuraha gobolka Sanaag u galleen Jabhad la magac baxday Xaqdoon oo dhowaan lagaga dhawaaqay gobolkaasi.

Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland oo todobaadyadii u danbeeyay wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon.

Gudigii nabadaynta mudooyinkii danbe u joogay Ceel-afweyn ayaa Nabad ku soo afjaray shaqaaqadii ka jirtay deeganada gobolka Sanaag.

Iyado si nabad ah ay ku xaliyeen jabhad gooni goosadka ahayd ee dhawaan ka bilaamatay deegano ka mid ah gobolka sanaag.

Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel-afweyn.

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here