Somaliland oo Sii Daysay Geel Laga Soo Celiyey Jabuuti oo Ay Ku Horjoogtay Xadka

0
666

Lawyacado (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhay magaalada Lawyacado ayaa waxaa ay sheegayaan in xukuumada Somaliland ay sii daysay 300 oo Neef oo Geel ah oo laga soo celiyay dekeda Jabuuti oo ay ku xanibntay xadka Lawyacado.

Xoolahani oo tiradoodu ahayd 300 ee Nee fee Geel ayaa mudo sadex cisho ah ku xanibnaa xadka Lawyacdo, kadib markii Xukuumadu horjoogsatay in ay xadka soo galaan Xoolahani.

Siidaynta Xoolahani ay yimid kadib markii uu wadahadal dhexmaray Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo halkaasi gaadhay iyo Ganacsatadii Xoolahan lahayd, iyagoona isku afgartay in la sii daayo xoolahanla islamarkaana la baadho caafimaadka.

Dhinaca kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya in 300 ee neef ee Gela ahaa ay u soo gudbeen dhinaca Somaliland.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY